Gen. Musharaf Oo Cambaareeyay Khudbadii Obama Ee Dilkii Osama

0
1043

musharaf

Washington(Geeska)-Madaxweyniihii hore ee dalka Pakistan Perves  Musharaf ayaa cambaaareeyey khudbadii uu madaxweynaha Mareykanka Barack Obma jeediyey kadib dilkii Osmaba Bin laden horaanti bishan.

Madaxweyne Obama ayaa khudbadaas waxa uu ku sheegay in uu amri doono weerar labaad haddii loo baahdo, laakiin waxa hadalkaas ka cadhooday Mr. Musharaf oo ku tilmaamay Obama nin uu ka muuqdo isla weyni iyo kibir “ Wadana Xaq uma laha inuu fara galiyo wadan kale” ayuu yidhi Musharaf oo lahadlay Telefeshanka CNN, waxaanu intaas Raaciyey “ Xaqiiqatan farsamo ahaan iyo Sharci ahaanba waad arkeysaa waa isku day dagaal, waana khubad qayral-masuulnimo ah. Kibirka noocan ahna waa inaan dunidada la tusin”

Jeneral Musharaf oo dalka Pakistan Xukamayey 9 sano isagoo sharaxaya isku dayga dagaal ee uu sheegay waxa uu yidhi “ Aragti ahaan iyo farsamo ahaan xaqiiqdii way tahay, waa isku day dagaal.”

Isagoo ka hadlaya waxa ay dawlada Pakistan ka yeelayso khudbadaa Obama oo dad badan oo dunida ka tirsani  u arkeen tiiq-tiiqsi wuxuu yidhi “ Sida loola macaamilayaa waa su’aasha taagan, waxaanan u dhaafayaa dawlada Pakistan ee Jirta.”