Geeska Afrika Oo Xoggo Ka Helay Kulan Addis Ababa Ku Dhex Maray Wasiirada Duulista Ee Somaliland Iyo Somaliya & Qodobada Uu Wasiir Waliba La Shir Tagay

0
828

Hargeysa(Geeska)-Wasiirada duulista iyo hawada ee dalalka Somaliland iyo Somaliya Farxaan Aadan Haybe iyo Maxamed C/laahi Salaad, ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen khilaafka ka taagan hawada dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya.

Ma jiro war rasmi ah oo ay labada wasiir ka soo saareen kulankaas, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in wada hadalada labada wasiir ee Somaliland iyo Somaliya ay fududaysay hay’adda dhexdhexaadisa khilaafaadka siyaasadda ee caalamka CHD oo xarunteedu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana labada wasiir dhex fadhiyay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland oo madax ka ah qaybta Afrika ee hay’addan CHD.

Sida ay wararkan xogogaalka ahi sheegeen wasiirka ka socday dalka Somaliya ayaa soo bandhigay inaanay weli dawladda Somaliya si rasmi ah ugu hirgelin inay la wareegto hawada, maadaama hay’adda ICOA ay shuruud ku xidhay ah in marka hore ay ogolaato Somaliland, sidaasna ICAO loola tago heshiis la isku raacsanyahay.

Wasiirka ka socday Somaliland ayaa isna la sheegay inuu soo bandhigay heshiisyadii hore ay Somaliland iyo Somaliya ugu gaadheen dalka Turkiga ee nuxurkoodu ahaa sida ugu haboon ee wada jir loogu maamuli karo hawada, waxaanu ku adkaystay in maamulka hawada ay gacanta ku hayso ICAO ilaa la gaadhayo heshiis loo dhanyahay.

Gunaanadkii sida uu warku sheegay waxay Somaliland iyo Somaliya ku balameen in la isugu tago shir balaadhan oo ay ICAO goob-joog ka tahay, lana gaadho heshiis farsamo oo hordhac ah, kulanka dambena waxa loo balamay bisha January ee sanadka 2018.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa weheliyay oo la socday agaasimaha duulimaadka ee wasaaradda duulista iyo hawada Siciid Ileeye (Saqiiro), halka uu wasiirka Somaliya weheliyay agaasimaha duulista ee wasaaraddaas Somaliya Cismaan Maxamed.