Geeska Afrika Oo Waraysi La Yeeshay Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Khuseeya Marxadalada Dalku Marayo

30
2936

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan marxalada uu dalku maanta marayo, muddadii todobada sanno iyo badhka ahayd ee uu Xukuumadda Axmed Siillaanyo uu ka tirsanaa, iyo waxyaabaha taban iyo toganba ee lagu xasuusan doono.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa waxa la weydiiyay suaalo badan oo marxaladda dalka khuseeya, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:

Tan iyo markii uu Madaxweyne Siillaanyo xilka dalka ku guulaystay, waxaad ka mid ahayd Golihii Wasiiradda ee ugu horeeyey ee uu magacaabo, Wasaaradda Gaashan-dhga ayaanu ku magacaabay, oo ilaa hadda aad Wasiir ka tahay,oo xittaa Wasaarad kale laguma bedelin, markaas sidee ayaad u aragta la shaqeeynta Madaxweynaha todobaada sanno iyo badhkaas?

Dadku xumaanta magaceeda ayey u bixiyaan, wanaagana magaciisa ayey u bixiyaan, oo wey kala yaqaanan, Shacabka reer Somaliland waa Shacab wax walba miisaami kara, oo xumaanta iyo samaanta kala yaqaana, anigoo kaliya maaha ee wey jiraan Wasiiro kale oo aanu wakhtigaas badan wada tirsanay, fadligana waxa iska leh Madaxweynaha, cimrigii ha raage, wixii la qabtayna lama yidhaahdo anaga ayaa qabanay, waxa loo nisbeeya cida markaas meesha hogaamiye ka ah, oo waxaanu qabanay waxaanu u nisbeenaynaa Madaxweynaha.

Xukuumadda Siillaanyo ee aad ka midka tahay maxa lagu xasuusan doonaa wax qabadkeeda?

Wax badan baa lagu xasuusan doonaa, wax qabad baa lagu xasuus doonaa, dadaal ah in meel walba la garaacay ayaa lagu xasuusan doonaa, heshiisyo caalamiya, oo aynu la soo galnay dawladdo aynu saaxibo nahay oo aynu u baahanay ayaa lagu xasuusan doonaa, ceelal badan oo la qoday, oo dad badan laga haqab tiray, wixii la qabtay ayey ka mid yihiin.

Muddadii uu Madaxweyne Siilaanyo taladda dalka uu hayey, sicir bararka iyo qiimaha sarifku halkii ugu sareeysay ayey gaadheen, ilaa haddana waxba lagama qaban, markaas ma lagu xasuusan doonaa Xukuumaddan Siillaanyo xil gudasho la’aanta sicir bararka iyo qiimaha sarifka?

Aniga xaggayga dafiraadi  ma jirto, waxyaabaha lagu asaararto oo dhami  wey jireen, oo kuma asaararanayo, waxyaabaha dadka qaar dafiraana  anigu ma dafiro, wey jireen oo wey dhacday, tamar gaaban iyo wakhtigii Dawladda oo gabaabsi noqday oo soo dhawaaday,wax walba waxay leeyihiin wakhti dahabiya, oo waxa jira wakhti ciyaartu si fiican iskugu dubo dhacdo, iyo wakhti adag, oo xaaladu ku adkaato, wakhtigaas adag ayeyna arimahani ka mid yihiin, waana qodob qodobaadaas ka mid ah, wakhtigii ugu fiicnayd, ee aanu is lahayn marxalad fiican baa la galayaa, oo xidhiidh caalamiya aynu galay, buu arinkana yimid, iskamay iman, oo cirka kamay soo boodine, waa la qirsan yahay waxa keenay, oo Hay’addihii ku shaqada lahaa, ayaa dadaalka halkii la rabay gaadhsiin, waliba cid la yidhaahdo hebel baa iska leh, oo ay ku caddahay ma jiro, laakiin haddiiba ay heerkaas gaadhay, maaha heer la qarin karo, ee Dawladdan iyo Dawladda soo socotaba, inta ajandaha kowaad buu noqonayaa arintaas dhaqaale iyo baahida umadda haysa wakhtigan adag, waxa kale oo inoo habooni ma jiro, qof waliba inuu halkiisi ka guntado, qof waliba masuuliyadii loo dhiibay inuu ka soo baxo, dabadeedna mushkiladaas ina soo waajahday sidii looga bixi lahaa baa lagama maarmaana.

Ma qirsan tahay in Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu tirada badnayd, dhinaca xilalka Wasiirnimo, Wasiir ku xigeeno, Wasiirul-dawlayaal iyo La Taliyayaasha Madaxweynaha, marka la barbar dhigo Xukuumaddihii ka horeeyey?

Aragtida bina’aadanka ayaa kala duwan, Madaxweynuhu waa Madaxweyne khibrad dheer leh, waa Madaxweyne dhaqaale yahan ah, waa Madaxweyne aan iska matalayn sida riwaayadaha loo matalo, laakiin ku soconaya arkaanta iyo shuruudaha uu dhaqaale leeyahay, dadkuna dad xun ma wada noqon karaan, markaas taas dhacday ee badnaanta Wasiiradda, Wasiirul-dawlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada, ee wakhtigaas dambe dhacay, oo iyada lafteedu duruufaheeda lahayd,   waa daruus aynu qaadanay, oo casharo inoo noqonaya, waxaana mustaqbalka rajaynayaa inay soo gaabanayso tiradii dheerayd ee Wasiiradda, oo dadka iyo shacabkuba aad iyo aad u saluugayo.

Ma qabtaa aragti dad badan iyo xarumo caalami ah qabaan oo ah  in Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu musuq-maasuqa badnayd, ugu boobka badnayd, ugu cadaalad darada iyo qabyaalada badnayd, dhammaan xukuumaddihii soo maray Somaliland oo dhan?

Nin waliba aragti buu leeyahay, oo qof walba meel bay qashaafadiisu qabanaysaa, anigu Dawladdana ka mid baan ahaa,wax badan baa la sheegi karaa, wax badan oo wanaaga oo xumaanta la sheegay fasaqi kara wey jiraan, mar walba haddii wax la sheego oo lagu laba celiyo waxay jawaabteedu tahay hadda ayey maalmo tirsani inooga hadheene insha-allaah, duruustii ina soo martay ha noqoto, ha loo gudbo halkay umadda iyo dadka iyo dhaqaaluhuba jecel yahay, laakiin wax sinbiriraxasho wey ku iman karaan, gef waa dhici karaa, laakiin waan qirsan ahay wixii khalad ah ee markaas dhacay ee inala soo gudboonay, sidii looga soo kaban lahaa, in laga shaqeeyo waa lagama maarmaan.

Tan iyo intii Xukuumaddani taladda dalka haysay, marar badan bay isku dhaceen Golaheeda Wasiiraddu, oo Wasiiro ayaa xilkoodii ku waayey, waana Xukuumaddii ugu horeeysay ee Golaheeda Wasiiraddu isku dhacaan, marka loo eego Xukuumaddihii hore, taas ma ka war haysaa?

Bina’aadan baynu nahay, Bashar baynu nahay, khilaafku uu iman karaa, mawduucyada laga hadlayo ayaa la isku khilaafi karaa, waxaan kulayl u baahnayn ayaa kulayl loo rogi karaa, wax qaboob iyo dejin u baahan ayaa qofku si kale u arki karaa, wixii Barlamaanka iyo Golayasha Dawladda ka dhici jiray, Guddiyadii loo wada diray si wanaagsan bay uga soo wada shaqeeyeen, wax badan oo wanaagsan oo shacabka loo tudhay waa lagu guulaystay, oo ilaa iyo Barlamaanku ansixiyeena wey jiraan, markaa dad is eriyanaya oo ciyaala may ahayn, ee dad waaweyn oo masuul ah oo xil qaadi kara ayuu Raggu u badnaa,

Madaxweynuhu wuxuu soo saaray wareegto ah in aan hantida qaranka loogu ololayn Xisbi, balse waxa muuqata in Xisbigii Kulmiye loogu ololeynayo hantidii qaranka, wareegtadii Madaxeynahana loo joojin waayey, oo Wasiiraddii, Agaasimayaashii iyo Shaqaalihii Dawladdu ku ololaynayaan hantidii qaranka, sidee ayaad u aragtaa?

Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duula, anigu waxaan aad ugu war hayaa Wasiiradda, oo wareegto ayaa la soo saaray, intaas laguma day nee shir khaasa baa la qabtay, waana la is weydiiyey, Gawaadhi fara badan baa la dhigay, oo Wasaaradda hawlaha guud ayey masuuliyadeeda ahayd, oo loo geeyey sidii uu waajibku ahaa, qof walba isaga ayey masuuliyaddu saaran tahay, Raggu gaawaadhi iskamuu wada wadan, ee anigu gaadhigii dawladda ee aan ku shaqo tagaayey, waxaan kaga tagay xeradii aan joogay, oo Wasaaradda Gaashandhiga ah, oo halkaas ayaan kaga yimid, gaadhi uu leeyahay nin aanu saaxib nahay, oo Geerashkiisa u yaalay, ayaan ku soo baxay, kuna soo hawlgalay, xoogna maaha, anigoo fasax qaatay, Gaadhigii baana hadda wataa, kuwa ila socda, ee Wasiiradda Iyo Wasiir ku xigeenada ahina, sidaas si leeg wey oofiyeen sharcigii, markaas haddii la arko nin khalad sameeyey isaga khaladkii ha lagu koobo.

Madaxweynayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray, ma jiro Madaxweyne qoyskiisu ganacsi furtay, marka laga reebo Madaxweyne Siillaanyo, oo dabcan qoyskiisu bilaabay Ganacsi, Sharciguna ma dhigayo ee sidee ayaad u aragtaa?

Waan gartay Afarta Madaxweyne ee aad sheegtayba, nin walibana shax gooniya ayuu leeyahay, shaxda kuwa ciyaaranayaana, meel ayey kala leeyihiin, maqalka iyo aragu wey kala duwan yihiin, run markaan ku sheegana Dastuurku waa muqadas, oo wixii isaga dhan ka ah,oo jabis ah, cidna looma dhaafayo, oo la odhan maayo hebel waa weyn yahay ee ha laga daayo, laakiin arinteena socota anigu sidaan u arko waan joogay, oo todoba sano iyo dheeraad, siddeed sanno ayaaba dha-dhaw, dadkeenu waa hadal badan yahay, ee araga iyo waxa lagu sheega wey kala bedelan yihiin, meel aan daafacayaa ma jirto, masuul baan ahay, oday baan ahay, wakhtigeedii baan jooga, markaas cid aan daafacayo oo aan leeyahay cidaasi waxaas may qabsan, oo sharciga may jabin ma jirto, cid aan u hayo, oo aan u arko inay sharcigii jabiyeena, haddana xuskayga kuma jiraan, laakiin waxaan leeyahay sharcigu ma jarihiisa ayuu qaadaya, cidna u naxariisan maayo, haddii ay jiraan iyo haddii aanay jiriba waxa kala saaraya Sharciga, Sharci baynu leenahay, Dastuur baynu leenahay, Maxkamaddo ayeynu leenahay, Guddiyo hawlagaas qaabilsan baynu leenahay, cida ay ku soo baxdaa, waa nasiibkiisa, isaga ayaa xanbaaranaya, wixii halkaas ka soo baxa.

Saddexda Musharaxa ee ku tartamaya Doorashada Madaxtooyada sidee ayey kula muuqdaan?

Waxay ila muuqdaan inay yihiin Rag Masuul ah oo u qalma inay u tartamaan Madaxtooyada, bila’aadanku waa kala nooco, inay isku eekadaan oo ay isku mid noqdaan ma jirto, waa Rag soo shaqeeyey, waa Rag wax soo qabtay, oo xilal hayey, waa la yaqaana, maaha Niman hadda meel ka soo booday, bacdamaaha ay sidaas tahay nin walba wuxuu xor u yahay, ninka uu isagu is leeyahay caqligiisa iyo garashadiisa wuxuu idinku furayaa meel geedo leh, oo khayr qabta, oo mujtamaca Somaliland buu ku furayaa, codka uu siinayaa, waajibka ayaana I tilmaamaya, weyna ii qoran tahay meesha aan codka siin lahaa, wadaas ayaana qaadi nin walibana sidayda oo kale weeyaan.

Sidee ayaad u aragtaa in Eng Faysal Cali Waraabe uu ku xigeenkiisa ka dhigto Musharax ka soo jeeda Gobolka Sool, halka ay labada Musharaxa ee kale ku xigeenadooda ay ka soo jeedaan Gobolka Awdal?

Go’aanka Faysal Cali Waraabe, ee ah inuu Musharaxa Madaxweyne ku xigeen uu ka dhigto Gobolka Sool, waa caadi, waana horumar, qof kasta oo reer Somaliland ah, oo muwaadin ahina xaq buu u leeyahay inuu isa soo sharaxo.

Doorasho ayaa dhawaan la galayaa, ololihiina wali uu socdaa, balse waxa muuqata halkii ay Xisbiyadu Barnaamijkooda Siyaasadeed ay umadda u soo bandhigi lahaayeen in ololahoodii uu noqday dhaliilo ay isku jeediyaan, bal ka waran?

Hawshii ololuhu wey iska socota, balse anshixii la xumaaynayey, iyo caydii wey soo gaabteen, wakhta hadhay iyo maalmaha hadhay ayaana loo diyaar-garabayaa Doorasho nadiif ahi sidii ay u dhici lahayd insha-allaah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here