Geeska Afrika Oo Lagu Maamuusay Sidii Uu U Soo Tebiyay Tartankii Mujaahid Quule Aden Dool

0
721

Picture2Hargeysa (Geeska)-Wargeyska Madax banaan ee Geeska Afrika oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka, oo aad wax uga qora Ciyaaraha dalka islamarkaana ah wargeyska keliya ee leh cadad toddobaadle ah oo u gaar ah ciyaaraha, ayaa lagu maamusay Shaahado Sharaf kadib markii uu si joogta ah u qoraayey Tartankii Kubada Cagta ee kooxda Duufaan dhigtay ee socday Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium ee lagu xusayay Mujaahid Quule Aaden Dool, tartankaas oo loo qabtay Ciyaaryahanadii cuslaaday iyo Ciyaaryahanada kooxaha heerka kowaad.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay  loona  qabtay Tartankii Quule Aadan Dool, oo Shalay ka dhacay Emperial Hotel, ayaa waxa Wargeyska Geeska Afrika Shahaado Sharaftan u gudoomay Maxamed Siciid Habane oo ah Tafaftiraha  Ciyaaraha ee Wargeyska, waxaanu yidhi isaga oo ka hadlay sida uu arko Shahaado Sharaftan la gudoonsiyey Wargeyska “Anagu haddii aanu nahay Wargeyska Geeska Afrika, waxa aanu kooxda Duufaan uga mahadnaqaynaa Shahaado Sharafta ay nagu maamustay, waxaana leeyahay halkaas ka sii wada dadaalka, anaga ka Wargeys ahaan, waxa aanu mar walba wax ka qornaa Ciyaaraha dalka, anaga oo hadba Bulshada u soo gudbina Ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaana balanqaadaynaa haddii ALLE SWT idmo in aanu halkaas ka sii wadno  oo aanu bulshada u soo gudbino Ciyaaraha dalka, maxa yeelay Ciyaaraha dalka ayaa wax walba ka wanaagsan, in la dhiirigeliyo Ciyaaryahanadana waa mid wacan”.

Maxamed Siciid Habane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa kale oo jira in aanu nahay Wargeyska qudha ee leh Wargeys Ciyaaraha gaar u ah, oo Todobaadle ah, soona baxa Isniin walba, oo aanu inta badan siino muhiimada Cyaaraha dalka, anaga oo wareysi kala duwana la yeelana Ciyaaryahanada, Tababarayaasha iyo bahda ciyaarahaba”.

Shahaado sharaftan ayaa waxa ku saxeexnaa guddoomiyaha Kooxda Duufaan Dr. Bedel Cali Cumar.