Geeska Afrika Oo Helay Qoraal Rasmi Ah Oo Ay WFP Cabasho Kaga Muujisay Adeega Dekedda Berbera Iyo Suurtogalnimada Inay Dekedo Kale U Wareegto

0
824

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda cuntada adduunka WFP ayaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay wasiirka wasaaradda Qorshaynta isla markaana ay ogeysiin siisay wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha waxa ay kaga cabatay adeegga  dekedda Berbera oo ay sheegtay in rogitaanka shixnaddu uu qaato waqti, taas oo marka la eego shaqada gargaarka

bani’aadamnimo ee hay’adda aan dan u ahayn iyo in muddada markabku badweynta u taagnaanayo in la soo xidhaa ay badatay, taasina ay keentay culays ah dhinaca heshiiska tirada maalmaha ee ay hay’addu markabka soo kiraysato iyo waqtiga uu joogayo oo kala badanaya.

Hay’addu waxa ay xukuumadda Somaliland ku wargelisay in ay hadda kadib maraakiibta shixnadaha badan sida u wareejin doonto dekedaha kale ee gobalka, in kasta oo aanay magacaabin dekedda ay doorbidayaan in ay Berbera ku beddeshaan.

Warqaddan ku taariikhaysan 28kii Ogos 2017, oo sumaddeedu ay tahay,  WFP-HAR/17/08/2017 oo uu Geeska Afrika helay, waxa ay hay’addu ku tidhi, “Sida aad ka warqabtaan, hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) waxa ay ka mid tahay macaamiisha ugu waaweyn ee shixnadaha kala soo dega dekedda Berbera.

Qayb weyn oo ka mid ah shixnadahaas WFP soo mariso Berbera waa ay gudubtaa, waxa aanay ka kooban tahay cuntooyin caawimo ah oo aan loogu talogelin Somaliland oo keliya, balse sida oo kale lagu caawiynayo Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen oo ay dadkoodu khatar u yihiin macalluul iyo nafaqadarro.

Sidaa awgeed, WFP shixnado cunto ah oo aad u badan, ayaa ay kala soo degtaa Berbera oo ah xuddunta ugu muhiimsan gobalka ee hawlaha ay hay’addu waddo.

Arrimahaas awgood, waxa aanu si naxariis leh u codsanaynaa in aad noo xaqiijisaan in shixnadaha bani’aadamnimo ee hay’adda WFP uga soo dega dekedda Berbera dejinteeda mudnaan gaar ah la siin doono.

Waxa kale oo aanu si naxariis leh u codsanaynaa in la yareeyo tirada maalmaha ay tahay in markabka kirada ah ee u raran WFP uu sugo in la soo xidho, gaar ahaan maraakiibta xamuulka ah ee badarka qaadda (Qamandiga/galleyda iwm) iyo maraakiibta WFP ee waqtiga go’an la soo kiraystay.

Dhowaan, xaaladda hadda ee dekedda awgeed, annaga oo aad uga qoomamoonayna, waxa aanu ku qasbannahay in maraakiibta kirada ugu raran hay’adda WFP ee sida shixnadaha ka badan 40 kun MT oo badar ah aanu kala soo degno deked kale oo aan ahayn dekedda Berbera.

WFP ahaan waa aanu ku faraxsannahay sida naxariista leh ee aad noola qirteen iyo gacanta aad ka geysanaysaan in arrintan tixgelin gaar ah la siiyo, lana sii horumariyo xudduntan gobalka iyo in la hubiyo in WFP ay sii wadi karto in ay caawimada waqtigeeda ku gaadhsiiso dadka ay u socoto oo u baahan.

Waxa aanu si naxariis leh u codsanaynaa in aad arrintan tixgelin siisaan, jawaabna waa aanu idinka sugaynaa.”