Geeska Afrika Oo Helay Nuxurka Shan Qodob Oo Uu Farmaajo Ka Codsaday Imaaraadka Carabta Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

0
670

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay shan qodob oo uu madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka codsaday dhaxal sugaha Imaaradda Abu-dhabi  iyo ku xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed, oo uu toddobaadkii hore kulan kula yeeshay magaalada Abu-dhabi ee dalkaas.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomasiyadeed oo xogogaali, Mr. Farmaajo wuxuu Sheekh Maxamed ka codsaday shan qodob oo qaar ka mid ahi khuseeyaan Somaliland, halka kuwa kalena khuseeyaan dalkiisa iyo maamul goboleedyada Somaliya.

Dalabka Farmaajo

Mahadcelin iyo ammaan ka dib wuxuu Maxamed Cabdillaahi Farmaajo dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta u soo bandhigay wixii uu doonayay.

Shanta qodob ee uu Madaxweynaha Somaliya ka codsaday dhaxal sugaha Abu-dhabi ayaa sida ay ilahaas xogogaalka ahi sheegeen waxay kala yihiin:

1. In UAE ay Somaliya ka caawiso dhismaha ciidanka Milatari

2. In loo dhiso loona qaleebyo xafiisyada dawladda ee Muqdisho

3. In UAE joojiso la macaamilka maamulada dawlad goboleedyada Somaliya

4. In saldhiga milatari ee Berbera la hoos keeno dawladooda Muqdisho

5. In shaqaalaha Somalida ee ka xoogsada dalkaas ee sita Basaboorka Somaliya la siiyo sharciyo, carruurtoodana waxbarasho bilaash ah.

Qodobka 4aad ee ku saabsan saldhiga milatari ee Berbera, ayay ilahani sheegeen in Maxamed Cabdillaahi Farmaajo aad ugu dheeraaday ka hadalkiisa. Waxaanu sheegay in arrinta ku saabsan saldhiga uu sidoo kale kala hadlay madax Carbeed oo ay ku kulmeen shirkii dhawaan ay madaxda Carabtu ku yeesheen dalka Jordan. Waxa sidoo kale isna hadalka sii qaatay la taliyaha Farmaajo ee arrimaha amniga Xuseen Sheekh Cali oo ka hadlay saldhiga.

Jawaabta Imaaraadka

Sida ay xogahan uu Geeska Afrika helay sheegeen, Imaaraadka Carabtu waxay soo dhaweeyeen inay gacan ka gaystaan dhismaha ciidanka milatariga Somaliya, waxase ay sheegeen oo ay intaas raaciyeen inay taageerayaan hawlaha amniga lagu hagaajinayo ee ay wadaan dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku oo aanay iyaga u gacan dhaafi doonin.

Qodobka maamul goboleedyada ee uu Farmaajo dalbaday inay joojiyaan inay si toos ah ula xidhiidhaan, waxay sheegeen inaanay dawlada Muqdisho marna gacan dhaafi doonin, waxase ay sheegeen inuu wada hadal u socdo maamulka Kismaayo oo ay doonayaan dekedaas Kismaayo, waxase ay sheegeen inay dawladda Muqdisho ku soo wargelin doonaan wixii soo kordha, iyagoo sheegay in Imaaraadku mar walba ka shaqaynayo horumarka Somaliya. Waxa kale oo ay intaas raaciyeen inay doonayaan inay sahamin shidaal baadhis ah ka sameeyaan dhawaan dalka Somaliya.

Qodobka ugu xaasaasisanaa ee ku saabsanaa saldhiga milatari ee Imaaraadka ay dawladda Somaliland ka siisay Berbera, waxa ay Imaaraadka Carabtu kaga jawaabeen inay wada hadalo kala yeesheen dawladii Xasan Sheekh, iyagoo sheegay inay adagtahay inay saldhigaas hoos geeyaan dawladda Muqdisho, maadaama aanay ka talin Somaliland, iyagoo ku dooday inaanu wanaag mooyee wax dhibaato ah keenayn saldhigaasi. Sidoo kale waxa ay Farmaajo ka dalbadeen in haddii uu hayo halis uu saldhigaasi leeyahay uu keeno cadaymo.

Qodobka ku saabsan shaqaalaha Somalida ee ka xoogsada Imaaraadka Carabta, waxay Imaaraadku sheegeen inay dib u eegis ku samayn doonaan lana qaban doonaan wixii suurtogal ah.

Sidoo kale wuxuu dhaxal sugaha Imaarada Abu-dhabi sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono olole loogu gurmanayo abaarta ba’an ee ku habsatay guud ahaan Soomaalida.