Geeska Afrika Oo Danjire Nicholas Kay Weydiiyay In Shaqadiisu U Dhantaalantahay Xidhitaanka Xafiiska UNSOM Ee Somaliland

0
560

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Nicholas Kay, weydiiyay bal sida uu u arko dood ay dad badani qabaan oo ah in shaqadii xafiiskiisa UNSOM uu fadhiid noqday, ka dib markii ay dawladda Somaliland diiday inuu xafiiskiisu ka shaqeeyo gudaha dalka.Picture9

Mr. Nicholas Kay, oo shalay su’aalo lagu weydiinayay barta uu ku leeyahay twitterka, ayaa waxa uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay saddex su’aalood uu uga jawaabay mid ka mid ah, taas oo nuxur ahaan ahayd sida uu u arko doodda ay dadka qaarkii aaminsanyihiin ee ah in shaqadii loo xilsaaray ee UNSOM ay curyaantay, ka dib markii ay dawladda Somaliland si rasmi ah u qaadacday xafiiskiisa, waxaanu si kooban ugu jawaabay, “Xafiiskayagu kama shaqeeyo Somaliland, laakiin waxaanu aad  uga shaqaynaa meelaha kale ee Somaliya.” Sidaas ayuu si kooban u yidhi.

Muwaadin kale oo reer Somaliland ah oo magaciisu ku qornaa Cumar Nuur, ayaa isna ergayga weydiiyay su’aal ahayd in maadaama oo aanu warbixintiisii u dambaysay ee uu siiyay golaha ammaanka ku soo hadal qaadin Somaliland, uu mawqifkaas cusubi wakhtigan noqonayo in Somaliland laga saaray Somaliya, waxaanu yidhi “Warbixinta uu bixiyay xoghayaha guud way ku jirtay Somaliland, Kay-na [ergayga] hadalkiisii kumuu soo qaadan wixii warbixinta ku jiray oo dhan.”

Geesta kale, warbixin uu habeen hore u jeediyay golaha ammaanka, isagoo khadka maqal iyo muuqaalka ah kaga soo jiray magaalada Muqdisho ee Somaliya, ayaa sheegay in weerarada ay AMISOM iyo kuwa dawladda Somaliya ku hayaan Al-Shabaab uu ka dhacay dhul Juqraafi ahaan aad u ballaadhan. Wakiilka Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa sheegay in weerarka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalkaas Somaliya ka socda uu yahay kan ugu ballaadhan ee ugu muhiimsan.