Geeridu Waa Xaq, Laakiin Mararka Qaarkood Waxa Ay U Dhacdaa Qaab Amakaag Leh Oo Taariikhda Gala

0
1096

Hargeysa (Geeska)- Maalin kasta dad aan tiro lagu soo koobi karin ayaa siyaabo kala duwan ugu dhinta dunidan aynu ku nool nahay, waxase jira dhimashooyin taariikhda galay oo naxdinta ay u dheer tahay qaabka ay u dhaceen oo ahaa qaab yaab leh. Waxa aynu qormadeennan ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah dhimashooyinkaas yaabka reebay:

1. Nin shaqaale ka ahaa Moofo ku taalla gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka oo magaciisu ahaa Robert ayaa dhintay, kadib markii uu ku dul dhacay dheri buuxa oo jokolaate ah karinayey ah.

2. Magaalada Warsaw ee casimadda dalka Polland gabadh ayaa aad uga cadhootay ninkeedii oo u sheegay in uu iskaga tegi doono, cadho darteed ayaa ay iska soo tuurtay daaqadda dabaqa tobnaad. Qaddarku waxa uu sababay in gabadhii ay ku dul dhacdo ninkii oo isna markaas uun dhulka u soo dhaadhacay kuna beegan daaqadda ay iska soo tuurtay, balse aan isagu ka warqabin in xaaskiisu isa soo tuurayso. Culayskii dusha kaga dhacay dartii ayuu ninkii u dhintay, laakiin gabadhii waa ay noolaatay.

3. Henry Zigland oo u dhashay gobolka Taxes ee dalka Maraykanka ayaa waxa toogtay nin ay walaalo yihiin gabadh uu jeclaa. Ninkani waxa uu diidanaa in Henry uu walaashii guursado, laakiin xabbaddii lama uu helin ee waxa ay ku dhacday geed ku yaallay beertiisa dhexdeeda, kadib markiiba waa la soo kala gaadhay oo xabbad labaad kuma uu ridin. Laakiin muddo 20 sano ah kadib ayaa Henry oo geedkii ay xabbaddii berigaa lagu waday ku dhacday garaacaya, ayaa xabbaddii oo sidii geedka ugu taagnayd inta ay si mucjiso ah geeskii uga soo go’day ay madaxa kaga soo dhacday, nasiib darro nabarkii ayaanu u dhintay.