Garyaqaanka Guud Oo Beeniyay Inay Madaxweynaha Ka Wada Hadleen Muddo Kordhin Loo Sameeyo

0
649

Picture4Hargeysa(Geeska)-Garyaqaanka guud ee qaranka Md. Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa beeniyay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu la qaatay kulan ay kaga tashanayeen sidii loo samayn lahaa amuddo kordhin ka bilaabmi doonta bisha June ee sannadka dambe oo uu wakhtiga Madaxweynuhu ku eegyahay.

Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu beeniyay in warkaasi uu jiro, waxaanu sheegay in soo jeedintaas iyo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka loo daayo komishanka doorashooyinka ee dalka.

Garyaqaan Ibraahin Iidle Saleebaan waxa uu sidan ku sheegay warbaahinta oo arintaas wax ka waydiisay isaga oo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi“Arintaas wax xog ah kama hayno, mana jirto iska daa wada hadale in la soo hadal qaaday, Kulan uu madaxweynuu arintaas igagala hadlay ama wax igaga waydiiyay ma jiro.marka laga hadlaayo doorashooyinka guud ahaanba waxa u xilsaaran gudida doorashooyinka qaranka iyagaana cayimaaya xiliga doorashada,madaxweynaha ayaana ku soo saaraya digreeto madaxweyne.”

Maalmihii ugu danbeeyay waxa warbaahinta dhex socday warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo marka uu dhammaado muddo xileedkiisu in muddo kardhin loo samayn doono, inkasta oo madaxweynuu uu aqlka baarlamaanka ka hor sheegay in aan maalin loogu dari doonin muddo xileedkiisa. Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku celcelinayay suurtogalnimada in Madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo muddo kordhin.