Gary Neville: “Manchester United Wali Waxay U Baahan Tahay Ciyaartooy Cusub”

0
1670

 

Halyeeygii hore kooxda Manchester United Gary Neville ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wali kooxdiisa ay u baahan tahay in dib ay ugu labato Suuqa iibsiga ciyaartooyada kahor intaanu xidhmin suuqan xagaaga, Si ay Man United ay u noqoto koox dagaalan xoogan u gali karta dhamaan tartamada ay qeybta ka tahay.Gary Neville ayaa wareysi uu siiyay shabakada Sky Sports wuxuu shaaca ka qaaday inay u baahantahay hal ciyaartoy oo dhanka weerarka uga saft. Neville oo arintaasi ka hadalayana waxa uu yidhi: “Manchester United waxay kulankii West Ham banaanka soo dhigtay awoodeeda ciyaareed, laakiin kooxda wali waxay u baahan tahay sameynta saxeex kaloo cusub si ay u noqoto mid dhameystiran”.Kabtankii hore kooxda Red Devils ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa kusii daray: “Red Devils waxay u baahan tahay sameynta laacib si wanaagsan kaga ciyaari kara dhanka Garabka weerarka bidix si wanaagsana u beegsan kara dhanka goolka”.

Manchester United ayaa xiliyadii lasoo dhaafay si xoogan ugu mashquulsaneed saxeexa laacibka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale, balse maamulka kooxda Real Madrid ayaa diidan in laacibkoodan reer Weles ay u ogolaadaan u dhaqaaqista kooxda Unitedd waxayan doonayaan inuu qeyb ka sii ahaado qorshaha garoonka “Santiago Bernabeu’.Si la mid ah Red Devils ayaa waxay ku dhawaatay inay gacanta ku dhigto saxiixa laacibka reer Croatia iyo kooxda Inter Milan, laakiin macalinka Nerazzurri ee Luciano Spalletti ayaa wuxuu si xoogan dagaal ugu galay inuusan ku fasixi doonin laacibka ree Croatia qiima kastaa laga soo gudbiyo.