Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
716

Picture3Hargeysa(Geeska)-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah garaadada ugu tunka weyn gobalka Sool, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Garaad Jaamac ayaa ka mid ahaa oday dhaqameedka sida weyn u taageeri jiray kooxda Khaatumo, isla markaasna waxa uu aaminsanaa mabda’a Somaliya. Garaadka ayaa Hargeysa ku yimid kadib wada hadal qaatay laba casho oo wasiirka Madaxctooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif  ay kula soo yeesheen dalka Jabuuti.

Waxa Garaadka ku wahelinaayay safarkiisan masuulkii ku magacawnaa wasiirka maaliyada ee kooxda Khaatumo. Waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Salaadiin,shirgudoonada golayaasha guurtida iyo wakiilada,wasiiro iyo dadweyne Tiro babadan.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay wada hadalka ay la soo yeeshen Garaadka iyo aqbalaada uu ku yimi Hargeysa,

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa isaguna halkaas ka sheegay inuu yimi dalkiisii, waxaanu ka mahadnaqay soo dhawaynti diiran ee loo sameeyay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha aan maanta(Shalay) ku soo noqday deegaankaygii, sida qiimaha,sharafta,walaaltinimada iyo tolnimada  leh ee aad iisoo dhawayseen aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin. Anigu halkan marti kuma ihi, deegaankaygii ayaan imi oday dhaqameedna waan ahay, siyaasina ma ihi, siyaasiyiintuna waa nimanka maamulada xilalka u haya, anagu dhaqan ayaanu nahay oo meel kasta oo umadda Soomaaliyeed ay joogto haday tahay Koonfur,Somaliland,NFD,Ismaamulka Somalida Itoobiya iyo Jabuutiba meel oday dhaqameed ama nin garaad ah ay ka xidhan tahay ma jirto.”

Garaad Jaamac oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi“Si gaar ah waxaan idiin leeyahay shacabka reer Hargeysa mar labaad iyo mar saddexaad aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. Ninkii jiray waxa uu yidhi ( Saaka ka hortow siigo kama kicin), waynu wada hadalaynaa oo waynu isku imanaynaa, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ( Gacmo Geeljire hoosbaa loo dhaqaa).”

Geesta kale maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa shalay hadhimo sharafeed u sameeyay garaadka iyo dadweyne kale oo tiro badan. Hadhimadaas oo ahayd mid soo dhawayn ah waxa ka mahadceliyay dadkii ka qayb galay oo uu Garaadku ku jiray.