Gar Eexo Ma’aha, Dumar Takoorna Ma’aha, Balse Waa Xaqiiqo Cilmiya Oo Kala Saaraysa Ragga Iyo Dumarka (3)

Published on May 14 2014 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormo ka waramaysa kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa aynu ka soo qaadanaynaa buugga les hommes. Les femmes etc ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Muddo hadda laga joogo qiyaas ah 20 sano (Buugga oo la qoray sannadkii 2002da darted, hadda waxa ay noqonaysaa qiyaas 42 sano ah). Dhakhtar ku xeel dheer caafimaadka carruurta ayaa soo saaray kitaab cusub oo uu qoysaska ugu sheegayo sababta keenta kala duwanaanshiyaha dabeecadda bilowga ee ubadka labada jinsi kala ah, si uu u dejiyo waalidiin badan oo ka warwarsanaa sababta keentay in labada carruur ah ee qoyska u dhalata midiba qaab gaar ah ku bilaabo dabeecaddiisa nololeed. Qoraagu waxa uu buuggiisaa ku yidhi, “Ma jiro hab-dhaqan ay ubadku ka midaysan yihiin” isaga oo sii sharraxaya hadalkaasna waxa uu qoray, “Wiilku marka ugu horreysa ee waxa uu ku fikiraa sidii uu meel dheer u fanan lahaa, tusaale ahaan waxa uu isku dayaa in uu fanto kursiga oo uu dusha sare kaga fadhiisto ama in uu sallaanka koro, laakiin inantu waxaa suurtogal ah in ay soo qaadato buug ay rog-rogto sida ruux akhriyaya. Xilliyadii uu soo bixitaanka buuggani ku soo beegmay oo uu aad u sarreeyey heer-kulka xaraaradda halgankii dumarka loogu raadinayey xuquuqdooda ayaa sabab u noqday in ereyadan qoraagu ay abuuraan muranno badan iyo in uu ku mutaysto eedo ay ka ugu horreyso in uu ka mid yahay ragga ka xun in dumarku xuquuqdooda helaan iwm. Laakiin marka si cilmiya arrinta hoos loogu dhaadhaco waxaa soo baxaysa in ay yihiin ereyo caadifad iyo eex labada jinsi dhexdooda ah ka fog. Qoraagu waxa uu soo xiganahayaa khubarada cilmi nafsiga carruurta iyo arrimaha bulshada oo sheegaya in haddii uu ilmaha yar ee gabadha ahi ay isku daydo in ay sallaanka korto ama kursiga gorada uga baxdo waxa ugu horreeya ee ay ka fikirtaa waa halka ay horta marka hore cagteeda dhigayso; laakiin ilmaha yare e wiilka ahi markaba isaga oo aan hubsan halka uu cagta dhigay ayaa uu isku qaadayaa in uu kursigaas ama sallaankaas fuulo oo weliba uu intii karaankiisa ah figta sare ka gaadho.

Waa xaqiiqo muddo dheer aanay cidi ogeyn, oo waxaa laga yaabaa in qarnigii 20naad ee shalay ahaa, haddii ruux dhakhtar ah uu waalid u geyn lahaa wiil iyo gabadh uu dhalay isaga oo ka cabanaya in aanay dabeecadahooda korniin iyo hab-macaamilkoodu isku mid ahayn, waxa ay aad ugu dhow dahay in dhakhtarkaasi si uu u hubiyo cabashada ninkaas uu markaba amri lahaa in inanta yar qalniin maskaxda ah lagu sameeyo si loo eego maskaxda labada carruur ah iyo waxa ay ku kala duwan yihiin, waana la sheegaaba in ay taas oo kale dhacday.

Waxaa hubaal ah in akhristuhu uu is weydiinayo sababta uu dhakhtarkaas qarnigaa noolaa markiiba ugu go’aan qaatay in uu qalniin ku sameeyo inanta isaga oo aan dib u eegin wiilka, taas lafteedu waxa ay ahayd qalad kale oo uu dhakhtarku gelayo, sababtiisa runta ahina waxa ay tahay aqoon darro jirtay iyo daraasadaha lagu sameeyey kala duwanaanshiyaha wiilka iyo gabadha ee tan ka horreeyey oo aanu dib ugu noqon inta aanu go’aanka gaadha. Sababta keentay in dhakhaatiirta xilligaasi u qaataan in kala duwanaanshiyaha labada carruur ah ee kala jinsiga ahi ay la xidhiidho waayo-aragnimada ay dhakhaatiirtani heleen xilligaas oo u badnayn la macaamilka ragga gaar ahaan qalniinada ugu badan oo ay ku samayn jireen ragga ciidamada ku dhinta colaadihii dhinac walba ka qiiqayey iyo mararka qaarkood askarta maydka ah ee dhinta oo ay qalniino ku tababarasho ah ku samayn jireen, dumarkuna aad ayaa ay ugu yaraayeen ciidamada ama badankooda kumaba ay jirin. La soco…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!