Ganacsade Suudaani Ah Oo Dawlada Ka Codsaday In Loo Soo Qabto Nin Reer Somaliland Ah Oo Lacag Ka Soo Dhacay

0
681

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ganacsade u dhashay wadanka Suudaan oo magaciisa la yidhaahdo Fayaad Bireer Samaani, ayaa dawladda Somaliland ka codsaday in sharciga loo horgeeyo nin reer Somaliland ah oo uu sheegay inuu ka dhacay lacag gaadhaysa $555,251 (Shan boqol shaniyo konton Kun, Laba boqol Kowiyo Konton Doolar), oo uu kala soo baxsaday wadanka Suudaan. Ninkan ganacsadaha reer Suudaan oo iska leh Shirkad Xawaalad ah oo layidhaahdo (Fayaad International), wuxuu magaca ninka soo dhacay ku sheegay Axmed Cali Salaad, oo ah nin dalka Suudaan waxbarasho u joogay, balse markii dambe ka shaqo galay xawaladaas. “Haddaba, maalin maalmaha kamid ah ayaa lacagtaasi qiimaheedu kor ku sheegan tahay oo loogu dhiibay inuu dhigo Baan ku yaalla Suudaan, si looga diro Xawaaladaha ay Soomaalidu ku leedahay dalkaasi, ayuu nasiib daro la baal maray Baankii. Waxaana la ogaaday bisha 01/09/2013, in lacagtaasi iyo ninkii reer Somaliland ba ay maqan yihiin. Markii loo sheegay dhacdadaasi Booliska dalka Suudaan, waxa la ogaaday inuu u gudbay ninkaasi dalka Ethiopia. Booliiska Caalamka (Inter-Pol) ayaa la soo xidhiidhay dawladda Ethiopia si ninkaasi loo qabto. Ciidanka Ethiopia waxay ka warheleen in ninkaasi u gudbay xaga Somaliland. Ganacsadii reer Suudaan markii ay taasi ogaadeen waxay soo gaadheen magaalada Hargeysa bishii March, ee Sanadkan 2014. Baadhistii Inter-Pol waxaa lagu ogaaday in ninkaasi ganacsi xaga macdanta ah ka bilaabay Somaliland, hanti guryo iyo gaadiidba ka iibsaday Hargeysa.” Sidaas ayuu yidhi ganacsadaha reer Suudaan oo shalay saxaafadda la hadlay.

Wuxuu sheegay inuu Hargeysa ka bilaabay, dacwad. Iyadoo dawladda Suudaan ay warqad u soo qortey dawladda Somaliland si ninkaasi ganacsadaha ah dacwadiisa wax looga qabto. “Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo cadaymihii loo gudbiyey wuxuu bixiyey amar soo qabasho ninkaasi in garsoorka la horgeeyo. Iyadoo baadhistiisii lagu gudo jiro, ayaa ninkii wax soo dhacay aabihii oo degan Hargeysa soo dhexgalay. Odaygaasi ninka dhalay oo damaanad ku bixiyey inuu inankiisii keeni doono, waxaanuu saxeexay in wixii lagu yeesho uu qaadayo inankiisa isagoo saxeey in mudo uu ku keenana la siiyo. Odayga ninka dhalay waxa kale oo uu arintaasi ku xidhay shuruud ah in wixii baadhis ah ee ay wadaan Booliska Somaliland iyo Inter-Pol la joojiyo si uu inankiisa u keeno. Shuruudaasi oo la fuliyey lana joojiyey, ayaa markii mudadii dhacday la ogaaday in uu odaygu inankiisa fursad ku siinayey inuu baxsado. Ninkaasi lacagta loo haystayna waxaa la ogaaday inuu ka degay magaalada Garoowe ee Puntland.”

Waxa imika magaalada Hargeysa ka socota dacwad ka dhan ah odaygii inanka dhalay. Dacwadaasi oo ilo u dhuundaloolaa sheegeen inay ku saabsan tahay fakinta uu inankiisii fakiyey iyo in lacagtii inankiisa loo haystey uu inankiisu u soo diray uguna soo diray sanduuqa xisaabeed ee odayga.

Ganacsadahan Suudaaniga ah oo Hargeysa joogaa, wuxuu  oo si naxariisle u codsanaya in shacabka iyo dawlada Somaliland wax kala qabtaan dhibaatada haysata iyo in ninkaasi loo soo gacangeliyo sharciga.