Ganacsade Cali Cumar Guuleed Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Una Jawaabay Ismaaciil Buubaa

35
3865

Hargeysa(Geeska)-Ganacsadaha Cali Cumar Xasan Guuleed, oo ah siyaasi si dhow ula socda xaaladaha gobalka Geeska Afrika iyo siyaasaddaha Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland, waxaanu ku baaqay in wada jir lagu gaadhi karo aqoonsiga iyo horumarka Somaliland.

Mudane Cali Guuleed, oo shalay Hargeysa kula hadlay saxaafadda, wuxuu ka jawaabay hadal uu dhawaan baahiyay siyaasiga Ismaaciil Buubaa, isagoo mudane Buubaa u soo jeediyay inaanu kala fogayn dhallinyarada reer Somaliland ee soo koraysa. Isagoo ganacsade Cali ka hadlaya dagaal beelo walaalo ah ku dhex maray Sool wuxuu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan tacsi u dirayaa dagaalka ka dhacay Sool iyo geerida foosha xun ee sokeeyaha isku dilaya Sool, waxaan Alle uga baryayaa intii dhimatayna inuu Alle u naxariisto, waar aan u talino inta nool.”

Cali oo u jawaabaya Ismaaciil Buubaa, wuxuu yidhi “Ismaaciil Buubaa oo nin weyn ah oo ragga ugu mudakarsan dadkana ah; qoys qiimo lehna ka soo jeeda ayaa wuxuu ka hadlay waxyaabo badan oo dadka soo koraya aad ugu fool xun oo qabyaalad iyo kala qaybin leh, waxaan leeyahay Ismaaciiloow anigu dadka qoyskiinii duntooda garanay ayaan ahay, markaan qoyskiinaas sharafta leh   iyo da’daada eegowaxaan ku odhan lahaa kala qaybinta ubadkeena soddon jirka ah ka daa’, waana kugu fool xumo.”

Isagoo ka hadlaya haamaha shidaalka wuxuu yidhi “August ayuu Madaxwenuhu soo saaray wareegto ah in haamihii lagu soo celiyay gacanta dawladda, waxaan qabaa oo muhiim ah kaydkaas qaranka ee gacanta lagu celiyay inuu yahay muhiim, wixii ganascatada ka galayna in waxoodii loo celiyo waa muhiim, waxaanan leeyahay waar gacmo wada jir ayay wax ku qabteene in haamaha sharaf lagu wareejiyo dadka wixii ka galayna la siiyo uun buu hadalku ku dhanyahay.”

Isagoo ka hadlaya sarkaalka ciidanka qaranka ka goostay ee Caare wuxuu Cali Cumar yidhi “Haddaynu Alle ka baqano Caare waa dambiile qaran cidna looga biqi maayo iyo wixii la mid ahiba, waxaan odhan lahaa waar yaan dadka la lug-goynee taariikhda kamay dhicin nin qori u soo qaata oo u talaaba meel kale oo tan [Somaliland] ku soo duula ee Caare wixii laga yeelayo Madaxweynaah iyo xukuumadda iyo ciidamada oo ah  ragga aynu ku soo jeedno haloo daayo.”

Wuxuu ugu dambayn shacabka ka waaniyay qabyaaladda “Qabyaaladan daroortay ee maraysa meel hoose qaranimana aynu ka hadlayno waar gacmo wada jir ayay wax ku qabtaane, waxa la yidhi

Inkastoo nin geesi yahay

Raggu geedi adayg yahay

Haddaan garabka lala qaban

Guri moodi maayee,

Waar shanti madaxweyne ee Muuse u dambeeyay shantaba waa laga daba qaylinayee waar madaxweynaha iyo kolba kii qabta haka luminina ee kalsoonida dadka uu haysto waa in lagu raacaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here