Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale Oo Xayiraadii Socdaal Laga Qaaday

0
520

Hargeysa(Geeska)-War ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee dalka Mareykanka qaybta maamusha dhaqaalaha dibadda (Office of Foreign Assets Control) ayaa caddeeyey in ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale laga saaray liiska dadka laga xakameeyey dhaqdhaqaaqa socdaalka.

1

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ah  ganacsatada waaweyn ee Somalida ayaa muddo 15 sanno ka badan ku xayirnaa dalka Jabuuti.

Ganacsadaha oo ahaa maamulihii xawaaladda Barakaat ayaa sannadkii 2001 ay dawladda Mareykanku ka xidhay xawaaladda isagana ku soo rugtay xayiraad dhinaca socdaalka ayada oo lala xidhiidhinayo dhacdadii September 11, 2001.

Ganacsade, Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ganacsatada ugu hantida badan Somalidak, isaga oo saamiyo badan ku leh shirkadaha isgaadhsiinta ee gobalka gEeska Afrika.