Gambia: Waardiyihii Amniga Ee Doorashada Madaxweynaha Ka Helay Keli-Taliyihii 22 Sano Xukunka Xoog Ku Haystay

0
754

1Banjul (Geeska)- 15 sano ka hor waxa  Aadama Barrow waxa uu 15 saac maalin kasta ku shaqaysan jiray waardiyenimo uu ilaalin jiray meheradaha caanka ah ee Argos Stores ooku yaalla dalka Ingiriiska, waxa aanu hammigiisa ugu weyni ahaa in uu mustaqbalka ka shaqaysto iibka iyo kirada guryaha.

Adama Barrow oo markii uu dalkiisa dib ugu soo noqday bilaabay riyadiisii ganacsi guryaha ayaa si lama filaan ah guul uga gaadhay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 1dii Diisambar 2016ka, kadib markii dhammaan xisbiyadii mucaaradka ee dalkaasi ku midoobeen in ay isaga u sharraxaan xilka madaxweynaha si ay mar uun xukunka uga riixaan madaweyaha muddada dheer ku fadhiyey kursiga oo uu marka horeba afgembi ku qabsaday.

Dalka Gambia waxaa muddadaa dheer soo hoggaaminayey madaxweyne Yaxye Jaamac oo sannadkii 1994kii isaga oo ah sarkaal 29 jir ah oo ciidamada ka tirsan afgembi aanu dhiig ku daadan ku qabsaday xukunka dalka. Yaxye Jaamac oo muddadaa uu xilka hayey hadalladiisa, go’aamadiisa iyo habdhaqankiisuba muran badan dhalin jireen waxa uu mar sheegay in uu talada hayn doono Hal Bilyan oo sano.

Aadama Barrow oo lagu tilmaamo nin aad u deggen, hal-adaygna lagu tiriyo, ayaaay dadka dalkaasi ka filayaan in uu wax ka qabto arrimaha dhaqaalaha iyo guud ahaan nidaamka dawladnimo ee dalkaas oo muddo dheer hagaasay.

Sida ay caddaynayaan dadka ka ag dhowaa madaxweye Adama Barrow, weligii marna niyadda ma’ uu gelin in uu madaxweyne noqdo, xitaa markii loo dhiibay hoggaaminta xisbigii mucaaradka ahaa ee UPD oo ah kii sabab u noqday in isbahaysigii mucaaradka ku midoobey ay u doortaan murashaxa ay ku midaysan yihiin. Si kastaba ha ahaato ee muddadii gaabnayd ee uu waardiyaha hore hoggaaminayey xisbigiisa mucaaradka ah waxa uu muujiyey kartidiisa siyaasiga ah iyo hibadiisa hoggaamiyenimo ee u suurtogelisay in uu hareerihiisa ku ururiyo dhammaan siyaasiyiinta miisaanka lahayd iyo hoggaamiyeyaashii xisbiyada mucaaradka oo muddo dheer siyaasadda ku soo jiray.