Galiilyo (Maanso Baroor-diiq ah) Mubaarik maxamed careef

0
1056

Maansada Galiilyo waa maanso Aan ugu baroor-diiqayo Walaalkay Marxuun Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf Oo ahaa Saaxiib intuu ifka joogay rabi ku galladay Dulqaad , deeqsinimo, Dunwanaag , Iyo Debci sami .

1

Wallow aanan Bog iyo bayjaj toona aanan Ku koobin karin taariikhda iyo Qofnimadii Cabdirisaaq waxay Tixda Maansada ahi si guud mar dhawr tilmaamood ka bixin doonta Shakhsiyada Saaxiibkay , Alle naxariistii Jano ha ka waraabiyo.

Galiilyo:

Galiilyaa waxay tidhi

 Geeridu xaq weeyoo

Gabal dhaciyo waaberi

 Geesi arlada joogiyo

Gaarida haweenbaa

Godka lagu ridaayo

Guulihii ilaahbaa

Qofba goor u qorayoo

Ruux kastoo gucleeyaba

Wedbaa garab ordaaye

Balse ruuxaad garabiyo

Gaashaan ku ogayd

Kama go,o calooshoo

Haddii laysku gudbi karo

In la gees maaraad baad

Garaadkaaga hoosiyo

Guudka ka jeceshee

Alaylehe ninbaa go,ay

Balse isagu galbayoo

Geestii loo badnaabuu

Guuluhu u qaatee

Dhawr haloo u gaaroo

Cabdi gooni u ahaa

Aan guud ka xaadsado

Waxa aanan Ka Gam’ayn

Gacantii furnayd Iyo

 Garashadiyo caqliguu

Guulaheenu siiyiyo

Gobanimadu u dhashee

Rabi Gaarka uga dhigay

Waxa aanan Ka Gam’ayn

Googooskii sheekee

Qosol loo Go’aayiyo

Gartii uu cadaalada

Gundhiga uga dhigayiyo

Gudoonkuu lahaan jiray

Waxa aanan Ka Gam’ayn

Hadduu uu ku go’ayiyo

Godob hadduu ku galayaba

Runtii aanu goornaba

Gees uga dhaqaaqayn

Waxa aanan Ka Gam’ayn

Dulqaadkii gobeedee

Gardarada sokeeyaha

Guudka uu u dhigan jiray

Faaladiisa guud iyo

Arintiisa gaarka ah

Hadaan hoos u sii galo

Gelin kama baxaayee

Guuloow Allahayoow

U gargaar Marxuunkoo

Guuloow Allahayoow

U waasici godkiisoo

Guuloow Allahayoow

Garansii jawaabtoo

Guuloow Allahayoow

 Garab mari cadaabtoo

Guuloow Allahayoow

Geestii rasuulkiyo ‘’ NNKH’

Gaadhsii asxaabtii.