Gadhka La Bax Si Uu Maqaarkaaga Caafimaadkiisu U Fiicnaado, Muuqaalka Dhalinyaronimana Aanu Kaaga Guurin

0
1316

Sidney (Geeska)- In kasta oo dunida maantu ay ku siganayso in ay ka sinnaato gadh xiirista, waxaa maalin kasta soo baxaya daraasaadka cilmiga ah ee ka marag kacaya sunnaha aan maragga u baahnayn ee Islaamka iyo xitaa diimaha samaawiga ah badankooda oo ku taliya in aanay raggu gadhka iska  xiirin. Waxa aana ka mid ah cilmibaadhis dhowaan ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Queensland ee dalka Ustareeliya oo daahfurtay in gadhku uu faa’idooyin caafimaad u leeyahay jidhka aadamaha.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu faafiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegaysa in gadhku uu jidhka ka celiyo boqolkiiba 90 illaa 95 fallaadhaha loo yaqaanno Kaaha Altarofayolet (Ultraviolet rays), maadaama oo ay fallaadhahani dhibaato caafimaad keenaanna ay noqonayso in gadhku uu u fiican yahay caafimaadka, isla markaana uu dib dhigo calaamadaha gabowga, gaar ahaan coodhcoodhku in uu ku samaysmo wejiga. Waxa kale oo uu gadhku wejiga siiyaa muuqaal dhalinyaronimo. Waxa kale oo uu gadhku qiyaas maangal ah yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco kansarka noociisa maqaarka, gaar ahaan qaybta wejiga iyo hareerihiisa.

Dhinaca quruxdana, waxa ay cilmibaadhistani sheegtay in ninka gadhka lihi uu ka qurux iyo jinniyado badan yahay ninka aan gadhka lahayn. Halka cilmibaadhis horena ay tilmaamtay in dumarku ay ragga gadhka leh doorbidaan marka ay u noqoto in ay kala doortaan nin gadh leh iyo mid aan lahayn.