Gacan Ka Hadal Iyo Buuq Shalay Ka Dhacay Shirkii Golaha Deegaanka Gabiley

39
3425

Gabilay(Geeska)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Gabiilay ayaa xoog lagaga saaray fadhigii golahaas taas oo buuq weyn dhalisay, kadib buuqaas xildhibaano la hadlay warbaahinta ayaa codsaday inuu madaxweynuu u soo diro hantidhawr si loo xaliyo dhibaatooyin dhanka musuqa ah oo ay la xidhiidha qaabka maayarku uu u maamulo degmadaas, waa sida ay ku doodeene.

Muuqaal laga soo duubay kulankaas ayaa laga arkayaa xildhibaano gacanta isu qaadaya iyo kuwo banaanka loo saarayo iyadoo uu buuq badani jiro.

Sida oo kale xildibaanadani waxay wax la’la yaabo ku tilmaameen in golaha xoog lagaga saaro xildhibaan fikirkiisa dhiibtay, waxaanu ku eedeeyeen maayar Maxamed-amiin biyo la’aanta Gabiilay, dab damis la’aan iyo musuq baahsan.

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi”Marka koowaad waxaanu leenahay guddoomiye soo celi maadaama oo miisaaniyadeenii korodhay si aanu dabdamiska iyo baahiyaadkeena aynu awooda u waynay ee Gabilay ka jiray aynu wax ugaga qabano, maayarkuna waxa uu yidhi miisaaniyada soo celin maayo ee aniga uun kharash ii fasaxa aan wax ku qabto, qodobkaas ayaanu isku khilaafsanay, waxaanuna sida oo kale dalbanaynaa hantidhawr la soo galiyo dawlada hoose oo uu waliba hantidhawrkaasi noqdo mid ay wax ka soo baxaan. madaxweynahe waxynu isku ogayn in musuqa la’la dagaalamo waanan kaaga fadhinaa in aynu la dagaalamno.”

Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi ayaa isaguna sheegay in golaha uu ka dhacay wax ugub ku ah oo taas oo ah xildhibaanada golaha xooga la’gaga saaray “waxa ka dhacay golaha dhexdiisa waxaanan filayn oo ugub ah, marka maanta la yidhaahdo xildhibaan ka hadlay fikirkiisa askartu ha saarto,barina mid kastaba way ku dhacaysaa, qalad aad iyo aad u weyn ayaa dhacay, dab damiska gobalka oo dhan ayaa u baahan, hantida aanu hayna oo dhana in la galiyo diyaar ayaanu u nahay laakiin nidaamka qaldan ee wax loo magacaabayo ee wax loo shaqaalaynaayo ma ogolin.”

Xildhibaan Axmed ayaa isaguna dhankiisa madaxweynaha ka codsaday hantidhawr in dawlada hoose ee Gabiilay la soo galiyo “Mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad sida ugu khasaha badan aad noogu soo dirto hantidhawr, si loo kala garto ninka wanaagsan iyo ninka tuuga ah, maanta lama kala garanaayo tuuga iyo ninka wanaagsan.”

Maayarka Gabiilay Maxamed Amiin Cumar ayaa isaguna dhankiisa waxa uu sheegay in inta badan ee xildhibaanada golaha deeganka ee Gabilay ay u codaysay in la sameeyo xarun dab damis oo kumeelgaadh ah magaalada Gabilay ay yeelato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here