Gabadhu Waxay Jeceshay Haasaawaha Ninka Ay Hagi Karto, Laakiin Guurka Waxa Ay Door Biddaa Ninka Garaadkiisu Wado

0
806

Washington (Geeska)- Cilmi baadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in dumarku marka ay guur noqoto ay jecel yihiin ragga maskaxda badan, ee lagu tilmaamo fariidka, laakiin haddana sheeko iyo saaxiibtinimo iyo haasaawaha gaabsiga ah ay la door bidaan doqonka ama ninka ay Soomaalidu shaneeyaha u taqaanno. Khubaro ku xeel-dheer cilmiga bulshada oo baadhitaan dheer ku sameeyey dookha dumarka ee dhinaca ragga iyo tilmaamaha ay gabadhu la jeceshahay ninka ay guurkiisa door biddo ayaa ay ku ogaadeen in dumarku ay jecel yihiin guursiga ragga la hiigsado, (Loogu hal-qabsado) xirfadahooda, kartidooda iyo guulaha ay had iyo goor ka gaadhaan nolosha, laakiin haddana ay aad uga dheeraadaan ama ay jecel yihiin inay ka dheeraadaan ragga jecel maamulista iyo in talada iyo awoodda ay iyagu keli ku ahaadaan.

Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyey majaladda Alcilaaqaat Al-shaqkhsiyah oo ka faalloota arrimaha bulshada, ayaa lagu sheegay in tiro koob iyo baadhitaan dheer kadib ay soo baxday in dumarku aanay jeclayn ragga yaqaanna farsamooyinka halista ah ee ay ku khiyaamayn karaan dadka tartanku ka dhexeeyo.

Sida ay majaladdu sheegtay Jeffrey Sneider oo ka tirsan jaamacadda California ee ku taalla magaalada Loss Angels iyo koox khubaro ah oo ay isku jaamacad yihiin ayaa sameeyey saddex daraasadoodo oo baadhitaan dheer oo dhinaca bulshada ah ay ku sameeyeen hablaha dhigta laba jaamacadood oo ku yaalla dalka Maraykanka, ugu dambayntiina waxa u soo baxday in dumarku ay had iyo goor aad u karhaan xasaasiyad daranna ka qabaan ninka ay arkaan in uu talada iyo maamulista jecel yahay.

Waxa ay daraasadahani muujisay in dumarku aanay sidoo kale xiisaynin ragga aan lahayn kartida ay isku wadi karaan ama had iyo goor mara keliya jidka ay u jeexdo gabadhu. Waxa ay khubaradu sheegeen in gabadhu ay jeceshahay ninka maskaxda badan, xataa haddii aanu isagu aad u jeclayn ama uu ka sii jeedo. Kaas ayaa ay ka jeceshay ka u soo jeeda ama aad u jecel ee nooca rag ee ay dumarku hagaan ah. Sida ka muuqata natiijada daraasaddan gabadhu waxa ay jeceshay ninka bulshada dhexdeeda ku leh magaca iyo ixtiraamka.