Gabadhii U Horreysay Ee Gaadhi Kaxaysa Sucuudiga Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyootay

0
1149

Riyaad (Geeska)- Warbaahinta dalka Sucuudiga ayaa shaacisay in maalintii bisha Oktoobar 4 ahayd ay shil gaadhi ku dhimatay haweenaydii ugu horreysay ee gaadhi kaxaysay boqortooyada dalka Sucuudiga.

Wargeyska Alwatan ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa Arbacadii 4ta Oktoobar ku warramay in masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Jiddah ay diiwaangeliyeen xaaladdii dhimasho ee ugu horreysay ee ah gabadh darawal gaadhi ah ee shil gaadhi ku dhimata taariikhda guud ahaanba boqortooyada Sucuudiga.

Gabadhan oo wadday gaadhigeeda oo uu saygeeduna la socday ayaa shilkan ku gashay xaafadda Al-Ajwaad ee magaalada Jiddah, kadib markii gaadhiga oo ay xawaare sare ku wadday jiidhay mid ka mid ah kaabadaha sabbadda ah ee amni ahaan loo hordhigo dhismayaasha, dhaawac xun oo soo gaadhay ayaana ay markiiba u dhimatay.

Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa horraantii bishii Sabtembar 2017 soo saaray amar uu dumarka ugu fasaxayo in ay wadi karaan gawaadhida. Amarkan ka hor dalka Sucuudigu waxa uu ahaa dalka keliya adduunka oo dhan ee sharcigu aanu dumarka u ogolayn in ay baabuurta wadaan, sababo diinta Islaamka lagu xidhiidhiyey markaas awgeed.