Gabadhii Keliga Ku Ahayd Golaha Deegaanka Lascanod Oo Is Casishay

0
792

laaasLascanod(Geeska)-Gabadhii keliga ku ahayd golaha deegaanka magaalada Lascanod ee gobalka Sool, ayaa iska casishay xilkii iyo xubinimadii golahaas.

Xildhibaanad Istaahil Maxamuud Aaden, ayaan si rasmi ah loo garanayn sababaha is casilaadda ku kelifay, waxase la sheegay inay sheegatay inay waxbarasho u baxayso.

Iyadoo ay goleyaasha deegaanada dalka aad ugu yaryihiin haweenku, ayaa haddana waxa ay Istaahil noqonaysaa haweenaydii u horaysay ee iska casishay guud ahaan haweenka ku jira golaha deegaanada dalka oo ay tiradoodu tahay 10 xubnood.

Laba xubnood oo hore uga tirsanaa golaha deegaanka Lascanod ayaa hore ugu goostay dhinaca maamul goboleedka Puntland ee dalka Somaliya.