Gabadha Dishay Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Walaalkii, $90 Oo Keliya Ayaa Abaal Marin Loo Siiyey

0
648

Kuala Lumpur (Geeska)- Wararkii u dambeeyey ee ka soo baxaya dilkii ninkii ay walaalaha ahaayeen hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-Nam ee dhowaan ka dhacay gegida diyaaradaha magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysiya, ayaa sheegaya in mid ka mid ah labada dumar ah ee loo haysto dilka ninkani ay qiratay in abaal marin ahaan loo siiyey $90 doolar oo keliya.

Gabadhan 25 jirka ah oo hadda ay gacanta ku hayaan masuuliyiinta ammaanka dalka Malaysiya ee baadhista dilka ku hawlan, waxaa lagu magacaabaa Sittii Aasiya, sida lagu sheegay warkan uu Geeska Afrika turjumayna, waxa ay booliiska u sheegtay in ficilkan ay samaysay aanay u malaynayn in uu yahay dhagar dil ah, balse loogu sheegay in ay tahay kaftan. Sitii Aasiya ayaa ninkan dhintay oo kursi madaarka dhexdiisa ah ku fadhiya wejiga u marisay maaddo sunta VXX ah, laakiin waxa ay iyadu sheegtay in dareeraha loo dhiibay si ay wejiga uga mariso loogu sheegay saliidda carruurta.

Kim Jong-Nam oo ah dhinaca aabo ka walaalo yihiin hoggaamiyaha dalka Kuuriyada woqooyi ayaa 13 kii bishan Feebarwer waxaa weerar gacanta ah ku soo qaaday laba dumar ah, muddo yar kadibna waxa uu ku geeriyooday cisbitaal loola cararay isaga oo aad u liita. Baadhitaannadii lagu sameeyey Kim Jong-Nam ayaa muujiyey in sababta dhimashada keentay ay tahay sunta VXX ee khatarta ah oo la ursiiyey. Suntan ayaa ku jirta liiska Qaramada Midoobey ee hubka wax gumaada ee dunida laga mamnuucay.

Siiti ayaa baadhayaasha amniga ee Maleeshiya iyo masuuliyiinta goob joogga ah ee ka socday safaaradda dalkeeda Indooneesiya waxa ay u sheegtay in rag aanay garanayn ay siiyeen lacag u dhiganta 90 Doolarka Maraykanka ah, si ay ninkan wejiga ugu mariso wax u eeg saliidda carruurta, iyada oo looga jeedo uun keliya kaftan, oo ay qayb ka tahay barnaamij Talefishan oo maadays ah. Waxa ay sheegtay in ragga hawshan u diray ee lacagta yar siiyey aanay kala garanayn dalalka Kuuriya iyo Jabbaan ka ay u dhasheen.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in suntan khatarta ahi aanay wax saamayn ah ku yeelan gabadhan gacanteeda ugu masaxday ninka wejigiisa.

Masuuliyiinta Ammaanka ee dalka Maleesiya ayaa sheegay in ay hayaan gabadh labaad oo u dhalatay dalka Fiyaatnaam, gabadhaas oo xidhnayd shaadh lagu xardhay ereyada ‘LOL’ oo ah ereyo aalaaba loo soo gaabsado ereyada Afingiriisiga ah ee ‘Lough out Loud’ oo ah kor u qosol. Gabadhani waxa ay kamaradaha ammaanka ee gegida diyaaradaha ka soo baxday iyada oo ka ag dhow goobta falku ka dhacay, waxaa isaguna xidhan nin u dhashay dalka Kuuriyada Woqooyi.

Dawladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku doodaysa in aanay ku kalsoonayn baadhitaannada booliiska Maleesiya, waxa aanay dalbanaysaa in la joojiyo maydka ninkanna loo dhiibo. Dawladda Maleesiya ayaa iyadu dareen shaki ah ka qabta in sirdoonka dalka Kuuriyada woqooyi uu ka dambeeyey dilka ninkan oo ahaa kii xaqa u lahaa in uu aabihii xilka dalka uga dambeeyo, laakiin jagadaas waayey kadib markii lagu helay dembi ah in uu baasaboorro been abuur ah ku safray. Kim Jong-Nam intii walaalkiisa yari taladii uu isu waday qabsaday dalkiisa dibadda ayaa uu ka joogay waxa aana jira dareen ah in ay colaad ku kala maqnaayeen.