Gabadh Si Ay Uga Baxsato Cid Deyn Badan Ku Lahayd Isku Samaysay Qalniin Muuqa Wejigeeda Beddelaya

0
1055

Beijing (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Shiinaha oo da’deedu 59 sano jir tahay ayaa isku samaysay qalniin wax ka beddelaya muuqeeda si ay uga baxsato deyn lagu lahaa oo qaddarkeedu dhamaa 3 Milyan iyo 710 kun oo doolar.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa ay wakaaladda wararka ee Shiinuhu ku sheegtay in booliiska dalkaas ay argagax ku noqotay markii ay qabteen gabadhan oo hore uga baxsatay magaalada ay deggenayd kadib markii maxkamad ku taallaa ay ku amartay in ay dhaqso iskaga bixiso deynta lagu leeyahay. Mid ka mid ah booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Aad baanu uga argagaxnay. Waxa ay muuqeeda u ekeysiisay in ay Soddonaadkii cimrigeeda ku jirto, si aad ah ayaanay uga duwanayd muuqaalka sawirkii aanu ka haynay ee aanu ku raadinaynay”

Gabadhan oo lagu magacaabo Zhu Najuan (Tishu Najwaan) ayaa booliiska u xaqiijisay in muddadii ay baxsiga ahayd si aan loo helin ay isticmaali jirtay kaadhka aqoonsiga ee qof kale, kaas oo u suurtogeliyey in ay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah tareen ku tagto, waxa ay sheegtay in lacagta ay qalniinka ku gashay ay ka amaahatay qof kale oo siiyey kaadhkiisa bangiga si ay ugala baxdo lacagta dhakhtarka ay siisay.