Gabadh Ku Guulaysatay In Gaadhigeeda Oo Tuug Kaxaystay Ay Xeelad Ku Fuusho Kana Soo Dhacsato

0
578

Washington (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Melissa Smith ayaa iyada oo si caadi ah gaadhigeeda u wadata waxa ay timid kaalin shidaal si ay gaadhiga ugu shubato shidaal. Dalalka reer galbeedka iyo meelo kale oo badan oo dunida ahba waxaa caado ah in darawalku uu isagu ka soo dego gaadhiga oo shidaalka uu rabo uu ku shubto. Haddaba Melissa Smith markii ay gaadhiga ka soo degtay ee ay u dhaqaaqday dhina bambka shidaalku ahaa, ayaa waxaa si degdeg ah u soo weydaartay tuug gooraha dusha ka kor joogtaynayey

Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Melissa Smith, ma’ay ogeyn in ay cidi dusha kala socoto, mana ay filayn in marka ay gaadhiga ka degto, si ay shidaal ugu shubato inta uu tuug u soo weydaarto gaadhiga uu isku dayi doono in uu kaxaysto gaadhiga.

Melissa ayaa sida ka muuqata lagu baahiyey shabakadda Al-Carabiya oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, waxa ay markiiba qaadatay go’aan adag oo ah in aanay tuuggaas uga tegin in uu gaadhiga kaxaysto, waxa aanay si degdeg ah ugu boodday afka hore (Baangadda) ee gaadhiga.

Tuuggan ayaa marar badan isku dayey in uu gaadhiga ka rido Melissa oo 28 ahayd, laakiin taasi waa ay u suurtogeli weyday, arrintaas oo qasab kaga dhigtay in uu ka tanaasulo isku-daygiisii ahaa in uu gaadhiga la baxsado. Tuuggii inta uu gaadhiga joojiyey ayaa uu si degdeg ah ugu wareegay gaadhi uu watay saaxiibkii oo qorshaha kula jiray, una taagnaa in haddii baxsasho loo baahdo uu saaxiibkii la firdhado. Muuqaalka Fiidyowga ah ee muujinaya qisadan oo ka dhacday gobalka Wisconsin ayaa si aad ah ugu baahay barkulannada bulshada ee kala duwan iyaa oo si aad ah loo gorfaynayey ku dhaca iyo go’aan adayga ay gabadhaasi ku badbaadisay gaadhigeeda, oo la arkayey iyada oo markii uu tuuggu ka degey gaadhiga oo weli socda, inta ay si aad u xeeladaysan ugu soo gudubtay shidhka gaadhia ka taxadartay in gaadhigeeda ku jihaysnaa shaaracsu uu shil geysto.