Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Soo Bandhigtay Nabarro Ay Qoyskeedu Ugu Geysteen Wiil Gabooye Ah Oo Ay Calmatay

0
587

Hargeysa(Geeska)-Rooda Mukhtaar Yuusuf oo ah gabadh dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah kana soo jeeda Beelaha Isaaq, ayaa sheegtay in qoyskoodu gaadhsiiyeen nabaro iyo dhaawacyo, ka dib markii ay is jeclaadeen wiil ka soo jeeda Beelaha Gabooye oo reer Hargeysa ah.

Rooda Mukhtaar, oo u warantay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka Star, waxay soo bandhigtay dhaawacyo culus oo ay sheegtay in qoyskoodu gaadhsiiyeen markii ay ku wargelisay in wiilkaas Gabooye ay is guursanayaan, kana dalbatay in la isku hibeeyo. Iyadoo ka hadlaysa arrintan, waxay Rooda tidhi “Magacaygu waa Rooda Mukhtaar Yuusuf, waxa sidaas laygu galay ee nabaradaas laygu gaystay  wiil Gabooye ah ayaad doonatay, waxaanan xidhnaa saddex caano maal oo aan lugaha, gacmaha iyo qooraba ka xidhnaa oo la leeyahay maxaad ninka Gabooye ka doontay, laba bilood ayaan wada soconay oo aanu isa soo mehersanay markii la isku kaayo diiday.” sidaas ayay tidhi, waxaanay Alle ka bariday inuu caafimaad siiyo, lana garab galo hawlaheeda.

Aabaha dhalay wiilka inanta loo diiday oo isna la hadlay Telefishanka Star, ayaa sheegay in aabaha wiilka dhalay uu budh gacanta kaga dhaawacay ka dib markii uu ula tagay codsi ah inay isugu duceeyaan wiilka iyo gabadha isa soo mehersaday, waxaanu yidhi  “Markii aan ogaaday in la isa soo mehersaday oo la is qabo waxaan islahaa inanta aabaheed aad ku tidhaahdid mar haddii carruurtu is doonteen aan isugu ducayno, laakiin ilamaba sugin ee wuu igu bilaabay, budh buu igu bilaabay, inankaygii ayaanan la baxsaday, inantina waa la qabtay oo waa la deldelay.”

Boqor Axmed Iimaan iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madaxda dhaqanka Beelaha Gabooye, ayaa cambaareeyay arrintan, waxaanay culimada iyo dadka mudan ee reer Somaliland ugu baaqeen inay wax ka qabtaan arrimaha noocan oo kale ah oo ay tilmaameen inay soo noqnoqdeen.

Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani Md. Barkhad Jaamac Batuun, ayaa isna ficilkan ku tilmaamay mid  ceeb iyo cambaar ku ah bulshada Somaliland, waxaanu sheegay inuu damiirkiisu damqday markii uu arrintan ogaaday.

Qoyska ay gabadhu ka soo jeedo oo uu Telefishanka Star isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo dhinacooda ayaanay u suurtogelin.