Gaadhi Kaxaynta Badani Waxa Ay Yaraysaa Heerka Fariidnimo Ee Qofka

0
1084

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan Jaamacadda Laster ee dalka Ingiriiska ayaa dhowaan cilmibaadhis ku sameeyey hab nololeedka dadka dalkaas ee jimicsiga iyo xarakaadka jidhku ku yar yihiin. Cilmibaadhis muddo Shan sano ah la waday oo tijaabadeeda laga qaaday dad tiradoodu ka badan tahay nus Milyan qof oo da’doodu u dhexeyso 37 sano jir illaa 73 jir, ayaa lagu ogaaday in dadka waqti badan ku qaata gaadhi wadista uu heerka garaadkoodu sameeyo hoos u dhac ku socda xawaare aad uga sarreeya inta uu hoos u dhaco mar kasta oo da’da qofku sii weynaato, marka la barbar dhigo qofka isagu aan gaadhiga kaxayn ama ku badnayn wadistiisa, ama dadka baabuur wadista badan ku dara jimicsi jidheed oo badan.

Hore ayaa ay khubarada caafimaadku u caddeeyeen in muddo dheer oo uu qofku darawal ahaadaa ay dhibaato ku keento shaqada wadnaha, ugu dambayntana keento dhibaato caafimaad darro oo ah wadnaha iyo xanuunnada xidhiidhka la leh, kuwaas oo ay ka mid tahay khalkhal ku yimaadda garaaca  wadnaha iyo dhiigkar.

Wargeyska International Business Times oo ka soo baxa Maraykan ayaa isaguna qoray natiijada cilmibaadhiso cusub oo muujinaya in baabuur wadista muddada dheer ahi ay saamayn taban ku leedahay caafimaadka qofka. Xaaladaha ka dhashana ay ka mdi tahay dhabar xanuun, raqabadda oo qofka xanuun joogto ah yeelata iyo weliba shaqada maskaxda oo gaabisa.