Fuulku Waxa Uu Wanaajiyaa Xusuusta, Wuxuu Caawiyaa Shaqada Neerfayaasha Waxa Aanu Dhimaa Miisaanka

0
1203

Khartuum (Geeska)- Cilmibaadhiso caafimaad oo marar kala duwan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka xusuustoodu hoos u dhacdaa ay u badan yihiin kuwa ay dhiiggooda ku yar tahay maadadda Xadiidka loo yaqaanno, waxaa kale oo dadkan xadiidku ku yar yahay lagu arkaa, fiirsiga oo ka baaha, iyo waxbarashadooda oo hoos u dhacda marka la barbar dhigo dadka da’dooda ah ee jidhkooda ay ku jirto xadiid ku filani. Dr. Subxi Ciid, oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga cuntada ayaa sheegay in muhiimadda ay maadadda xadiidku u leedahay qofka ay ka mid tahay in ay ka mid tahay waxa ay ka samaysanto, walaxda loo yaqaanno Haemoglobin eek u jirta dhiigga cas   neefta Oxygen ka soo qaadda sambabada si ay u gaadhsiiso unugyada jidhka.

Sida caadiga ah marka uu xadiidku jidhka ku yaraado waxa ay unugyadu u baahdaan Oxygen waxa aanay taasi keentaa in uu qofku dareemo tacab iyo daal, in xusuustiisu daciifto iyo in u fiirsiug ka lumo, sidoo kale waxa ay qofka ku beertaa xamaasadda oo ku yaraata, feejignaanta oo hoos u dhacda  iyo heerka hawl-gudashadiisa shaqo ama waxbarasho oo liidata.

Faa’idooyinka Fuulka:

Khubaradu waxa ay sheegeen in fuulku uu qani ku yahay xadiidka, Faytamiin B oo isaguna wanaajiya shaqada maskaxda iyo neerfayaasha , sidoo kale waxa uu qofku ka helaa boqolkiiba 70 baahida jidhka ee macdanta Manganese oo ka mid ah macdanaha ugu muhiimsan ee taageera hab-dhiska neerfayaasha.  Sidoo kale faa’idooyinka fuulka waxaa ka mid ah in uu jidhku ka helo barootiinta lagama maarmaanka u ah, taas oo ka mid ah sababaha uu xusuusta u xoojiyo. Waxa kale oo Fuulka ku jira xaddi dufanka faa’idada jidhka u leh ah, ganka oo caloosha u fiican, iyo guud ahaanba faytamiinnada iyo macdanaha jidhku u baahan yahay, waxa aanu ka mid yahay cuntooyinka miisaanka dhima.