Furitaanka Shirweynihii KULMIYE Ee Shalay, Khudbadihii Madaxweyne Siilaanyo & Muuse Biixi Iyo Qodobada Aanu Madaxweynuhu Soo Hadal Qaadin

0
737

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si rami ah dalka ugu furmay shalay, waxaana la soo gunaanadi doonaa ilaa maanta.

Shirweynaha xisbiga Kulmiye oo ay isugu yimaadeen 1162 ergooyin ah iyo sida oo kale marti sharaf kale oo tiro badan, waxa uu ku qabsoomay hoolka Maansoor.

Shirweynaha waxa ka soo qaybgalay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo,Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramaan Cabdilaahi Saylici,wasiiro tiro badan iyo marti sharaf ay ka mid ahaayeen xisbiyada mucaaradka ah.

Ugu horayntii waxa shirweynahaas Kulmiye khudbad ka jeediyay guddoomiyaha gudidii qabanqaabada ee shirweynaha Kulmiye Abubakar Xaamud Jibriil oo ka waramay marxaaldii uu shirweynahu soo maray. waxaanay intaas kadib shirweynahu uu doortay toddoba x