Fu’aad Aaden Cadde Oo Sheegay Inuu Qodob Ku Taageersanyahay Xaabsade, Balse Uu Qodob Kale Kaga Soo Horjeedo

0
625

Picture9Hargeysa (Geeska)-La taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arimaha Bariga  Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade, oo ah Siyaasi ay ka soo wada jeedaan gobalada bari, oo sheegay in aan wax talo ah laga weydiin Siyaasiinta Dhulbahanate, arrimaha Gobolka Sool, waxaanu Fu’aad Aadan Cadde xusay inuu ku taageersan yahay Xaabsade, qodobkan,balse waxa uu meesha ka saaray inuu ku taageersan yahay Xaabsade sida uu uga qoomamaynayo doorkii uu ka qaatay soo celinta magaalada Lascanod.

La taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arimaha Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan Tuulada Lafaweyn, ee hoos timadaa Degmada Xudun ee gobalka Sool, ayaa  amaan u soo jeediyey Ciidamada Somaliland,kuna ammaanay sida wanaagsan ee ay dalkooda u ilaalinayaan, waxaanu sheegay inuu aad u jecel yahay in la gaadho Xuduudaha Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka  hadlaya “Anigu Xaabsade meel waan ka raacsan ahay, meelna kala jaad ayaanu ku kala nahay, oo waan kaga soo horjeeda, waxaan ku taageersan ahay dhinaca Talada ee uu sheegay in aan waxba laga weydiin Arimaha Gobolada Beri, gaar ahaan Sool, taasi waa dhab oo wax alaale waxa laga weydiinayo arimaha Gobolada Sool, Somaliland iyo meelo kaleba ma jirto haddii ay noqoto Wasiir, La Taliye, Odey, Madax-dhaqmeed, Suldaan iyo cid walba oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ee Beesha Dhulbante, laakiin waxa aan ku kala jaad nahay ayaa ah in anigu aan keenay Xudun iyp Deegaano kale oo badan, kama xumi in aan keeno, ee  wali waxaan doonaya  in la gaadho halka ugu dambeeysa ee Xadka Somaliland, balse maaha in Xaabsade uu ku abaal sheegto Laascanood ayaan keenay, waxaana dhab ah inay Laascanood tahay Somaliland, inuu sidaas yidhaahdana waa khalad, Qodobka Talo la’aanta Xaabsade waan ku taageersan nahay,Qodobka dhinaca Ciidankana waan kaga soo horjeeda ”.

Fu’aad Adaan Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “In Ciidanka Somaliland, qabtaan Xuduudaha Somaliland oo dhan kama xumi, Ciidanka Somaliland waa Ciidan Gob ah oo aad u wanaagsan, waxna garanaya”

Fu’aad Aadan Cadde isaga oo ka hadlay dhibaato ka dhacday Deegaan hoos yimaada Degmada Xudun ayaa yidhi “Aniga, Wasiirka Biyaha, Badhasaabka Maroodi-jeex, odey Kalash iyo dad badan oo kale, ayaa waxa aanu u baxnay in aanu dhamayno waxa aanu doonaynaa in aanu dhamayno dhibaatadii dhacday, waxaana ILLAAHAY SWT ka baryayaa inuu nagu soo asturo”.