Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden Oo Loo Dhaariyay Xilka Baarlamaanka Somaliya

0
730

Picture1Muqdisho(Geeska)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Foosiya Yusuf Xaaji Adan ayaa shalay ka mid noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Ka dib markii xilkii wasiirka khaarajiga laga qaaday, waxaana shalay loo dhaariyay xilkaas.

Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa hore u baahiyay  Foosiya ay dooneyso in aanay siyaasadda ka bixin isla markaana ka mid noqoto Xildhibaanada maadaama aanay ku guuleysan in ay ka mid noqoto mar kale Golaha Wasiirada. Warbaahinta ayaa sheegtey in Foosiya  isla xildhibaanka ay booskiisa ku soo gashey Ismaaciil Xasan kaga iibsatey xilka lacag gaadheysa boqolaalkun oo Dollar , marka laga yimaado kala iibsiga warbaahinada qaarkood sheegteen ma jirto caddeymo ay soo bandhigeen.