Fiidyow Qarsoodi Ah Oo Laga Duubay Aaskii Maxamed Cali Kalaay Ayaa Lagu Baayacay Hal Milyan Oo Doolar

0
678

Washington (Geeska)- Warar ay saacadihii u dambeeyey faafinaysay warbaahinta Maraykanka iyo meelo kale oo dunida ka mid ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraabada feedhyahankii caalamiga ahaa ee dhowaan geeriyooday Maxamed Cali Kalaay, uu dhowr ka mid ah shirkadaha kala duwan ee warbaahinta Maraykanka u ula tegey Fiidyoow uu doonayo in laga iibsado oo ah daqiiqadihii la aasayey feedhayahanka, isaga oo shirkadahan u caddeeyey in uu iibka Fiidyowgan ku doonayo Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

1

Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika turjumay oo uu faafiyey wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, xaaska feedhayahanka geeriyooday iyo hablihiisa oo aaska maamulayey midkoodna ma’ uu ogeyn in ay jirto cid si gaar ah u sawiraysa xaaladahan aad u gaarka ah ee aaska u dambeeyey uu dhacayey. Wargeysku waxa uu sheegay in Fiidyowgan oo 7 daqiiqo ah loo geeyey laba ka mid ah shirkadaha warbaahinta ee Maraykanka balse aan la magacaabin, sidoo kale warbixintani ma’ay magacaabin magaca qofka iibinayey.

Warar laga helay mid ka mid ah labada shirkadood ee fiidyowgan loo geeyey oo magaciisa in la xuso diidday ayaa wargeyska Daily Mirror u sheegay, “Qofkan Fiidyowga iibinayey, markii hore waxa uu isku dayey in uu qariyo cidda uu yahay. Laakiin markii aanu weydiinnay sida uu ku helay Fiidyowga, ayaa uu noo sheegay in uu ka mid yahay qoyska Maxamed Cali Kalaay” laakiin shirkaddu waa ay diidday in ay sheegto qofkani rag iyo dumar midka uu yahay.

Dad badan oo warkan maqlay ayaa aad uga xumaaday in qof ka mid ah qoyskii Maxamed Cali Kalaay, inta uu soo duubo daqiiqadahan naxdinta badan in uu lacag ka raadiyo, arrintaas oo meel ka dhac ku ah shucuurta qoyska intiisa kale iyo xitaa guud ahaan dadkii munaasabaddan ka soo qayb galay oo aad u murugaysnaa.

Feedhyahanka muslimka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay ayaa 10kii Bishan Juun lagu aaasay magaalada uu ku dashay ee Louisville ee gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka.