Ficillo Iyo Caadooyin Aynu Maalinle U Samayno Oo Saamayn Taban Ku Yeesha Caafimaadkeenna (2)

40
2995

London (Geeska)- Cilmibaadhiso ay samaysay jimciyadda caafimaadka guud ee boqortooyada Ingiriiska ayaa ka digtay khatarta ay maqaaxiyaha iyo rugaha cuntada fudud lagu sameeyaa ku yihiin caafimaadkeenna, iyo in ay jiraan caadooyin aynu si maalinleh ah u samayno oo si guud ahaaneed khatar ugu ah caafimaadka. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa caadooyinka iyo waxyaabaha ay tahay inta aynaan qaadan ama samayn in aynu ka fikirno caafimaadkeenna.

Goor dambe seexashada: Jidhka oo waaya hurdo ku filan, oo tusaale ahaan ah habeen kasta 7 saacadood, waxa ay sababtaa in qofku uu sonkor badan iyo macaan badan u baahdo maalinnimada, waxa aana halkaas ka bilowda in miisaan dheeraad ahi fuulo.

Baraha bulshada ee internet ka: Waxaa muddooyinkan dambe caado noqotay in qofku marka uu dareemo niyadjab ama warwar ka abuurmay xaalad uun nafsiya oo uu la kulmay, uu isku dhaafiyo, gelidda baraha bulshadu ku kulanto.

Cilmibaadhe u dhashay dalka Denmark oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qofka oo ka nasta isticmaalka barta internet ka ee Facebook ay qofka u horseeddo in uu dareemo ka soo rayn iyo isbeddel taban oo ah guud ahaan dhinacyada noloshiisa. Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here