FBI Oo Ka Digtay Falal Dembiyeedyo Ku Soo Waajahan Mishiinnada Lacagta Lagala Baxo Ee ATM Loo Yaqaanno

54
3357

Washington (Geeska) – Xafiiska dembibaadhista Federaalka Maraykanka ee FBI magaciisa loo soo gaabiyo ayaa ka digay in dembilayaasha Internet ku ay qorshaynayaan weerar isku xidhan oo ay ku soo qaadaan aaladaha is wada ee lacagta lagala baxo ee dunida oo dhan, taas oo keeni karta in ay xadaan malaayiin doolar oo ay kala baxaan xisaabaha shaqaalaha bangiyadu leeyihiin.

Digniin qarsoodi ah oo ay FBI u dirtay bangiyada ayaa ay ku sheegtay in qorshahan oo ay budhcadda internet ka ee fulinaysaa u bixisay ‘ATM Cashout’ ay dembiilayaashu u adeegsanayaan barnamaijyo Fayras ah, oo u suurtagelinaya in ay la wareegaan awoodda ka shaqaysiineed ee mishiinka lacagta lagala baxo, kaddibna ay sidaas kula baxaan malaayiin doolar. Iyada oo khatarta ugu badanina ay ku aaddantahay bangiyada awooddooda ammaanka kombiyuutarradu ay hoosayso, ama aanay aad casri u ahayn.

Waxa ay FBI sheegtay in inkasta oo ay khatartani dunida oo dhan ku waajahan tahay, haddana bangiyada sida gaarka ah loogu baqanayo ay ka mid yihiin bangiyada Ingiriiska ee macaamilka weyn la leh dalka dibaddiisa, waxaa ka mid ah bangiyada Barclays iyo HSBC. FBI waxa ay sheegtay in ay dembiilayaashan internet ku ka faa’iidaysanayaan galdaloolo dhinaca ammaanka kaadhadhka lacagta lagula baxo ah oo ay heleen.

FBI waxa ay kula talisay bangiyada dunida in ay dib u eegis ku sameeyaan ammaanka qalabkooda iyo in ay cusboonaysiiyaan barnaamijyada kombiyuutarrada ee ay adeegsadaan isla markaana ay kor u qaadaan heerka ilaalinta amniga qalabkooda.

Waxaa xusid mudan in weerar kan la mid ahi uu dhacay bishii toddobaad ee sannadkan. Waxa aana ka dhashay khasaare lagu qiyaasay 2.4 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, kaddib markii ay budhcaddu habkan hadda laga baqayo oo kale u jabsadeen bangiga qaranka Maraykan laantiisa degmada Blacksburg. Sannadkii 2016 kiina waxa ay tan oo kale ka dhacday bangiga kaydka qaranka oo ay leedahay dawladda dalka Thailand, waxa aanay sababtay in 360 kun oo doolar laga xado, kaddib markii iyada oo internet ka la adeegsanayo la jabsaday mishiinnada ATM ka ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here