Faysal Oo Ku Taliyay In Laga Tashado Wakhtiga Dhammaaday Ee Guddiga Doorashada

0
606

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in wakhtigan ay dhinacyada siyaasada ee Somaliland hor yaalaan sidii go’aano looga gaadhi lahaa komiishanka doorashooyinka oo muddo xileedkoodii uu dhamaanayo iyo sida oo kale doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyada sida loo wada qaban karo.

Guddoomiye Faysal Cali waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu khubad u jeedinayay garabka haweenka ee xisbiga Ucid oo ay ku kulmeen xaflad balaadhan, waxana guddoomiye Faysal oo arrintaas ka hadlayaa uu yidhi“Waxa laga hortagayaa wax maalmahan suuqa lagu sheeg sheegayo ee kordhis iyo kordhis,  waxa kordhis la yidhaahdaa ma jiraane taas hala ogaado, kordhisku xaaraan ayuu ahaa, ka baarmaanku waa xaaraan, mid xukuumaddeedna dhici maayo, dawlada xilkeedu waxa uu ahaa in shantaas sano ee ay haysato ay hagaajiso doorashooyinka, iyada oo dawladu shaqadeedii ka soo bixi weyday in hadana wakhti loogu daraa dhicimayso mar danbe.”

Faysal, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Mar haddii aynu hada hubinay diiwaangalintii waa Alle mahadii, laba arimood ayuunbaa nagu hadhsan komishanka doorashoyinka oo wakhtigiisu dhacaayo waxii laga yeeli lahaa, ta labaadna waxa weeye doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha ee lays kor saaray waxa laga yeelaayo, labadaasna waxaanu jecelnahay in aanu go’aan ka gaadhno.”