Faysal Cali Waraabe Oo Xisbiga KULMIYE Ku Cambaareyay Qaabka Beelaysan Ee Uu Ergooyinka U Qaybiyay, Sheegayna In Xayiraada Saxaafadu Dhaawacday Sumcadii Somaliland

0
641

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku naqdiyay in qabaa’il ergooyinkoodii iyo golahii dhexeba ay ku qaybsadeen.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay arintaas mid aan dalka u wanaagsanayn. Sida oo kale waxa uu guddoomiye Faysal markii ugu horaysay ka hadlay xayiraadda wargeyska Haatuf isaga oo sheegay in xukuumadda ay beesha caalamku ku caanatay xadhiga warbaahinta, isla markaasna ay dib u dhigayso sumcadii Somaliland.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, isagoo jooga dalka Finland, waxaana ugu horayntii uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Ugu horaynta waxaan hanbalyaynayaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka iyo madaxda dib loo doortay ee KULMIYE, waxaanu aad u hanbalyaynaynaa in si nabadgalyo ah oo walaaltinimo ah uu ugu dhamMaaday Kulmiye shirkii.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Habkan ay ergooyinka ku qaybiyeen maaha hab wanaagsan,laakiin iyaga ayay u gaar tahay haDdii ay iyagu sidaas doorteen oo ay xisbigoodii beelo ku qaYbsadeen ergooyinkii iyo xubnihii golaha dhexeba, waxay ila tahay inay tahay arin iyaga u gaar ah, inkasta oo aanay ahayn in qabiilka la nooleeyo, xisbigana in ariMo qabiil uu galo, wax qurux badan maaha, waxaan jelaan lahaa in waxii hadDa ka danbeeya aanay sidaas oo kale samayn iyaga oo xisbigii talada hayay ah, waxay ahayd inay qabiilka fogeeyaan ee may ahayn inay qiimo weyn u yeelaan oo wax lagu qaYbsado,waxaanay dhibaato ku noqonysaa hawlaha guud ee dal ahaaneed, iyaga oo xisbiga ahaana waxa loo arkayaa xisbi aan ku midoobin fikir iyo siyaasad ee ay yihiin qabaa’il ku heshiiyay awood qaybsi ay yihiin, wax qabiil lagu qaybiyo oo khayr dhalay lama arkin, Alle ayuunbaa dadka raali galinkara laakiin cadaalad ayay u baahan yihiin, haddana waa arin iyaga u gaar ah. Arintani waa mid iyaga u gaar ah Somalilandna meelna u jihayn mayso, laakiin waa talo xumo oo xisbigii wakhtiga dheer soo jiray In uu qabaa’il wax ku qaybsadaa waa wax aan fiicnayn, marka kaanbaynku uu jirana waa arimaha lagu duri doono ayay noqonayaan.”

 Ugu danbayntii guddoomiye Faysal oo aanu waydiinay sida uu u arko xayiraadda wargeyska Haatuf waxa uu yidhi“Aad ayaa arimahaas naloogu qabsaday, waxyaabhii ay Somaliland ku caano maashay ee dastuurku sheegayay ayay ka mid tahay, waana kuwii xisbiga Ucid iyo Madashuba ka hadlay, waxaanu filaynaa in cadaadis badan ay dawladu arinkaas kala kulantay oo bulshada caalamku ku canaanatay, waana in warbaahinta xukuumaddu faraha ka qaado laakiin sharciga uun lagu ilaaliyo, waxaanay ahayd in qofka la xidho laakiin in meherada la xiddho may ahayn, taasina waa mid dib u dhigaysa magaceenii wanaagsanaa.”