Faysal Cali Waraabe Oo U Sacabo Tumay Mooshinka Maamuus Ka Xayuubinta Farmaajo

0
1350

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la taageero mooshinka xilka lagaga qaadayo madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin khatar ku ah Soomaalida Geeska Afrika oo dhan.

Guddoomiye Faysal ayaa sida oo kale hanbalyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka keenay oo uu ku tilmaamay kuwo danta Somaliya ka talinaaya, waxaanu ku baaqay in loo diyaar garoobo in meesha laga saaro madaxweynaha Somaliya Farmaajo. Guddoomiye Faysal ayaa sidan u sheegay tilifishanka Eryal, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Xildhibaanada waxaanu leenahay hala taageero mooshinkaas qof wanaagsan oo labada sano ee hadhsan dalka Gaadhsiiya dimuqraadiyad haloo diyaar garoobo,anaguna dibada ka joogi mayno oo anigu hadaan Faysal Cali Waraabe ahay xidido badan ayaan ku leeyay Somaliya waanan la shaqaynaynaa in ay cid wanaagsan oo Somaliland si walaaltinimo loo kala baxo oo saddex dal oo walalaalo ah Jabuuti,Somaliland iyo Somaliya xidhiidh wanaagsan aan wada yeelano oo aan Qaramada midoobay wada galno oo aanu IGAD wada galno bal qofka igu leh Somaliland oo xor ah dhibaatay Soomaali u wada leedahay ha I taabsiiyo, markaas anigaa faraa ka qaadayee.”

Guddoomiyahu waxa uu ku baaqay in mooshinku uu socdo“Waxaan leeyahay mooshinka ha socdo dumiqraadiyadu ha socoto, distoorku ha socdo waanu hanbalyaynaynaa dadka keenayna.” Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa tiriyay dhaliilaha madaxweynaha Somaliya“Xaalada ay marayso Somaliya iyo ficilka uu samaynaayo Farmaajo iyaga oo kaliyaata khatar kuma aha ee isirka Soomaali oo dhan ayuu khatar ku yahay, waa ninka yidhi Itoobiya iyo Eratariya ayaan midaw la samaysanayaa Soomaali oo kala daadsan, waa ninkaas dekedaha aanu mid kaliyaata xukumin u saxeexay, waa ninkaas dawlad gobaleedyadii baabi’inaaya, xagii sare baabiyay hadana baarlamaankii u soo jeestay, markaas ninkani waxa uu ku shaqaynayaa maskaxdii 1980, horaan u sheegay oo waxaan idhi ilmaha yari waxa uu duubaa ilmaha ka weyn ficilkiisa, inankani waxa uu duubay oo uu ku barbaaray camalkii Maxamed Siyaad Bare, tiibaanu doonayaa inuu dalka ku celiyo, qaladka ugu weyn ee la sameeyay waxa uu ahaa doorashadiisii.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here