Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi Ugu Hanjabay Inuu Qaban Doono Shir Beeleed Haddii Aan Doorashada Baarlamaanka La Qaban

38
3578

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inuu abaabuli doono shir beeleed, mar haddii aanay doorashadii baarlamaanku wakhtigeeda ku qabsoomayn.

Md. Faysal oo hadal ka jeediyay madal uu nin murashax ahi ku soo bandhigay hankiisa murashaxnimo, wuxuu sheegay in dalku marayo xaalad adag, waxaanu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi, isagoo ugu horayn ka hadlaya doorashada baarlamaanka oo aan muuqan wuxuu yidhi “Maanta doorasho ma soo muuqato, wax doorasho ah oo  madaxtooyada iyo baarlamaanka ka socotaa ma jirto, baarlamaanka maanta jooga shan sano ayaa la doortay; adduunka ma jiro wakhtigiisu ka dhammaadaa hadda 13 sano ayay joogaan, waa la iska daayay sheeko doorasho.”

Isagoo ka hadlaya wada hadaladii burburay ee xisbiyada wuxuu yidhi “Markaan xajka ka nimdi ayaan bilaabay inaan dadka isu keeno, Waddani ayaan u tagnay, madaxweynaha odayaal ayaan u diray oo idhi balan ka soo qabta saddexda xisbi ah way ka soo qabteen, Waddani ayaanu haddana u tagnay waar idinkuna ka baxa hala kala diro komishanka ayaanu ku nidhi, iyaguna [KULMIYE] ha ogolaadaan in sagaal laga dhigo, waanu u sheegnay saddexda xisbi, anaga iyo kulmiye ayaa saddex jeer shirnay way ka soo dhaqaaqi waayeen dhexdhexaadintaan keenayna way diideen, tii Waddanina way diideen, doraad ayuu hadalkii naga xidhmay.”

Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi “Dalkani laba qodob ayuu ku socday oo adduunka laga  iibin jirnay nabadgelyo iyo dimuqraadiyad is bed-bedelaysa, labaduba maanta khatar ayay ku jiraan oo waa taas oo qabiil ayaa loo baxay oo jabhado ayaa la samaystay, dimuqraadiyadiina waa taas oo biriiga loogu joogsaday. Haddii madaxweyne Biixi uu rayigii qaatay ee Rayaale aan ka diidnay oo la yidhi adaa u badan baarlamaanka ee halaguu fadhiyo ma fadhiyayo, baarlamaankuna ma fadhiyo Muusena ma fadhiyayo, shir beeleed ayuun baan ku dhawaaqaynaa, haddii asxaabtii la baabiiyay oo doorasho dhici weydo dalku wuu baa’abayaa, maalin aynu ka xunahay ma jirto, Waxaanu islahayn Muuse 27 kii sannadood ayuu koray qaladaadka ayuu ka faa’iidaysan doonaa oo wadadii lagu jabay ayuu ka leexan doonaa hadduuse tii maray annagu u dulqaadan mayno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here