Faysal Cali Waraabe Oo Isaga Oo Somaliland Metelaya Ka Qayb Galay Shir Caalami Ah Oo Tansaaniya Ka Furmay

0
719

Picture5Carusha(Geeska)-Guddoomiya UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka furmay magaalada Daresalam ee xarunta laga maamulo dalka Tansaaniya. Madaxweynaha Tansaaniya ayaa si diiran u soo dhaweeyay weftiga Somaliland, isagoo sheegay inuu Somaliland ku xasuusto wasiirkii hore ee qorshaynta Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare) oo muddo dheer dalkaas ka shaqaynayay.

Eng Faysal oo uu weheliyo xubin sare oo katirsan xisbiga Ucid Siciid Cumar ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka furmay shalay magaaladaas, shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood, waxaanu shirkan socday 28/29 oo ah laba maalmood.Ergada shirka ka qayb gashay waxa soo dhaweeyay xoghayaha xisbiga talada dalka Tansaaniya haya Mr. Cabdiraxmaan Kinana.

Mudane kinana ayaa ka soo qayb-galayaashi shirka wuxu ku soo dhaweeyey Tanzania waxanu ka sheekeeyey sooyaalka taariikheed ee ka dhaxeeya xisbiga talada haya iyo Socliast international, waxa uuna xusay in madaxwaynihii hore ee dalka Tanzania Nyerere uu ahaa dadkii  aasaasay Socialist international.

Waxa kale oo ka hadlay shirka xoghayaha guud ee socialist international mudane luis Ayale wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in waqtigii xornimo doonka loo ordayay wadamo badan oo Africa ah iyo latin Amerika iskaashigii socialist international awgeed inay ka xoroobeen gumaysiga

Madaxwaynaha dalka Tanzania mudane Jakaya mrisho kikwete ayaa markii qadadii la gaadhay hadhimo sharafeed ku qaabilay wufuudii ka soo qaybgashay shirkaasi iyadoo qasriga madaxtooyada dalka Tanzania lagu soo dhaweeyey .

Waftiga Somaliland ee  Xisbiga Calaadala iyo Daryeelka Ucid waxay fursad u heleen inay la kulmaan lana sheekaystaan madaxwaynaha dalka Tanzania waxanay ka wada hadleen xidhiidhka soo jireenka aha ee Somaliland iyo Tanzania ka dhaxeeyay. Madaxweynaha Tansaaniya ayaa yidhi “Soo dhawaada soo dhawaada Somaliland, waxay Somaliland I xasuusisaa nin aanu aad saaxib u ahayn oo lagu magacaabo Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare) oo markii danbena noqday wasiirka qorshaynta ee dalka Somaliland.”

Weftiga Somaliland ayaa waxa kale oo ay la kulmeen eragadii shirka ka qayb gashay oo aad u tiro badnaa.