Faysal Cali Waraabe Oo Beeniyay Inuu Wasiirka Awooda Badan Ee Maxamuud Xaashi Ku Wareejinayo Xisbiga UCID

0
608

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka jawaabay warar sheegaya inuu guddoomiyenimada xisbiga UCID ku wareejin doono wasiirka awooda badan ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, marka ay doorashadu soo dhawaato.         Eng. Faysal, oo isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad ah, waxaanu yidhi “Wax aniga iga soo baxay maaha, xisbigu qaab ayuu wax ku wareejiyaa oo waa la is doortaa, wax la wareejiyaa ma jirto, taasi waxay ka markhaati kacaysaa in wixii kasta ee la yidhaahdo la rumaysanyo, guddoomiyenimada xisbigu wax la isu dhiibo maaha, nidaam ayuu ku yimaadaa, shirweyne ayaa la qabtaa oo ergooyin ayaa yimaada oo waa loo tartamaa markaas waa dacaayado raqiisa.”                                      Faysal oo la weydiiyay su’aal la sii xidhiidhay xidhiidhka uu wasiirka la leeyahay inuu dareenada abuuray, wuxuu yidhi “Wasiirku waa wasiirkii madaxtooyada, shaqooyin ayaa naga dhexeeya, dib u heshiinsta khaatumo iyo Somaliland ayaa naga dhaxaysa, guddiga ictiraaf doonka ayaanu ku wada jirnaa, dawladu waa wax naga dhexeeya oo arrimo aanu wada leenahay ayaa jira oo aan muxaafid iyo mucarad lahayn, Somaliland siyaasiyiineeda waxaad moodaa inaanay aqoon dawladnimo  oo aanay garanayn, mucaaradka, waxna waa la wada leeyahay waxna waa la kala leeyahay, laba nin oo laba xisbi ku kala jiraa way saaxiibi karaan, horena saaxiib ayaanu u ahayn, imikana saaxiib ayaanu nahay, danta dalka ayaanu ka wada hadalnaa.”