Faysal Cali Waraabe Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Ceel-Afweyn

0
586

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigan, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalah ah ee isku laayey degaanka Ceel Afweyn, waxaanu ugu baaqay inay nabada ilaaliyaan, oo wixii ay kala tabanayaan si nabadgalyo ku jirto u dhamaystaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii uu ku tagay Magaalada Laascanood iyo wada hadladii Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo baaq u diraya Beelaha dagaalamay “Aad baan uga xumahay dagaalkan dhex maray Beelahan walaalaha ah, waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu Caafimaad siiyo dadkii ku dhaawacmay dagaalka, waxaana leeyahay idinka walaalo ah, idinka cid iskugu xiga, idinka isku deegaan ah, ee wixii aad kala tabaysaan, si nabadgalyo iyo wanaag ku jiro ku dhamaysta, dagaalkana joojiya, oo ILLAAHAY ka baqa, oo ALLE ha inaga dulqaade wakhti adag oo abaar ayeynu ku jirnaa ee nabada qaata”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey safar uu ku tagay Magaalada Laascanood iyo wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo wuxuu yidhi “Dadka reer Laascanood si aad u qiimo badan ayey noo soo dhaweeyeen, sidoo kale dadka reer Somaliland ee ku dhaqan deegaanadii aanu sii marnay, iyana si aad u qiimo badan bay noo soo dhaweeyeen, waana uga mahadnaqayaa, Prof: Cali Khaliif Galaydh, iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay (doraad), dalka yimid, soo dhaweeyn balaadhan bay ku qaabileen dadka reer Laascanood, waxaana ku faraxsan nahay sidii wanaagsanayd ee wada hadaladii aanu ku wada yeelanay Dalka Jabuuti iyo Dalka Itoobiyaba inay si fiican noogu bilaabeen, si fiicana noogu dhammadeen, markaas aynu wada hadalanu waa aynu heshiino, dabcana in la wada hadlo oo wixii la kala tabanayo la iska turxaan bixiyana waa muhiim, markaas Somaliland guul baan u rajaynayaa”.