Faysal Cali Waraabe Oo Baahiyay Siyaasiyiin Culus Oo Ka Hawlgeli Doona Xalinta Colaadda Deegaanka Ceel-Afweyn

42
2719

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday in arinta Ceel-afweyn loo saari doono gudi ay ka mid yihiin hal doorka Somaliland si loo dhameeyo dhibaatada dagaal ee taagan.

Waxa uu Faysal CalI Waraabe shaaciyay in madaxweynuhu xalinta khilaafkaas u xuli doono dhawaan raga kala ah  Cali Khaliif Galaydh, Cabdiraxmaan Aw Cali, Xasan Ciise Jaamac  iyo isaga, waxaanu xukuumadii kala danbeeyay ku dhaliilay inay ku fashilmeen nabad ku soo dabaalida Ceel-afweyn. waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi “Arinta Ceel-afweyn qoyskan walaalaha ah ee is dilay ee shaydaanku dhex maray waxaanu u sheegaynaa dadka ay arintasi qusayso in arintaas la qaboojiyo, waxan dibada lagaga soo hadlaayo  aydaan maqlin, dadkaas caruurtoodu dibaday joogaan dugsiyo ayay dhigtaan idinka ayay idin barakicinayaan, arintaas waanu ka wada hadalnay dadka reer Somaliland oo dhan iyo dawlada, waa kii madaxweynuu isugu kaaya yeedhay, wajiga koowaad iyo wajiga labaad ayaanu kala samaynay, oo wajiga koowaad waa in xabada horta la joojiyo, waa arin ay dawladii hore iyo taniba ku ceebaysan yihiin si aanu ugu daba tagno ceebtaas dhacday iyo qaladkaas dhacay ee dawladan iyo tii horeba  oo loo gaadho xal waara marka xabad aad joojisaan ayaynu dadkii gali lahaa ee reer Somaliland  oo xul ah oo ragii hore ugu fashilmay aanay ku jirin, waxa ka mid ah dadka aanu soo soori doono Cali Khaliif Galaydh, Cabdiraxmaan Aw Cali, Xasan Ciise Jaamac  oo aan anigu ka mid ahay iyo cidii kale ee aanu ku korodhsanayno ayaa aanu hawshaas ku galaynaa cid kale oo galaysaa ma jirto, intii ku fashilantay dibada ayaanu dhigaynaa, waxaanu u mahad naqaynaa dadka ilaa hadda nagu simay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here