Faysal Cali Waraabe Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Wada Hadalada

0
609

Hargeysa(Geeska)-Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo.

Faysal ayaa shalay gaadhay degmada Widwidh isagoo hoggaaminaya wefti ka mid ahaa xubnaha wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo. Faysal oo ka hadlaya dib u dhaca ayaa yidhi “Wada hadaladu Waxa weeyaan rayi ay keenaan Siilaanyo iyo Cali Khaliif labaduba waxay doonayaan inay ka tagaan raad taariikheed taas ayaanu gacan ku siinaynay, meel fiicana way maraysay wixii dib u dhac ku yimidna wax loo qasdiyay maaha,  badanaa xagga Somaliland ayay ka timid ana aan iska sii durkiyee xagga dawladda ayay ka timid.” ayuu yidhi Faysal, wuxuuse intaas raaciyay “Waxaan idiin cadaynayaa

inaanay xumaani ku jirin tamar daro iyo hawl mooyee, maantana intan in ka badan ayaan doonayay inaan idiinku nimaadno oo xaal ka bixino dib u dhicii badnaa ee yimid, laakiin waxaa naga soo beegantay kaadh qaadashadii.”

Cali Khaliif Galaydh ayaa isna yidhi “Dib u dhacyo ayaa yimid wakhtina waa ina hayaa bal sidii wixii la qaban karo hadda loo hagar baxo oo hawshan aan dib u dhac dambe ka iman.” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana baaqday shir la filayay inuu bishii hore ka qabsoomo magaalada Burco, kaas oo u baaqday sababo aan ilaa hadda la fahansanayn.