Farriinta Madaxweyne Siilaanyo Ee 18 May Iyo Abaaraha

0
539

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa farriin muuqaal ah oo lagaga soo duubay xarunta Madaxtooyada, wuxuu baaq ugu diray shacabka Somaliland. Baaqaas ayaa ku waajahan maalinta 18 May ee Qaranimada Somaliland iyo weliba tabaalaynta dadka abaaraysan ee reer Somaliland.

Madaxweynuhu, wuxuu yidhi “Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland, waa mid ku weyn quluubteenna, mana jirto habayaraatee cid weydeyn kartaa. Hasayeeshee, dabaaldeggii iyo damaashaadkii 18-ka May, 2017-ka, waxaannu u beddelnay in aynu doorkan dareen la wadaagno, isla markaana daryeelno dadkeena abaaruhu toysta iyo tabaalaha u geysteen.

 

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha  Somaliland, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan, in ay si xil-kasnimo, xamaasaad iyo xasanaad-raadis leh, uga qayb-qaataan qaadhaan uruurinta balaadhan, ee Guddida 18-ka May aan u magacaabay samaynayaan maalmaha qaran ee (18-ka May iyo 26 June) iyo maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijka qaadhaan uruurinta, waxa looga gol-leeyahay, si aynu dadkeena ugu caawinno mashaariic waaweyn oo ay kaga soo kabtaan abaaraha aafeeyey. Dhinaca kalena ka hortag u noqon kara abaaraha soo noq-noqda,  Waxaan leeyahay, waa in aynu istaageernaa, oo isku tashannaa, ILAAHAYNA talo saaranaa. 

CEELNA UMA QODNA, CIDINA UMA MAQNA

Ugu dambayn, waxa inala gudboon ummad ahaan, in aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna, iyo maalkeenna, isla markaana aynu isu-naxariisanno, si Eebe inoogu naxariisto.”