Farriin ku Socota Madaxweynaha iyo Shacbigiisa

0
741

Ugu horeyn waxaan leeyahay Idaacadda Quraanka ee Ilaahay ku ilhaamay Madaxweynaheena ka faa’ideysta oo dhagaysta markasta oo aad jaanis u haysaan, waayo waa shay la dhagaysto kii ugu kheyrka badnaa waana kulaamkii Ilaahay. Madaxweynaha oo aan rumaysnahay inuu yahay midkii xaga Diinta ugu dhawaaa intii Madaxweyne ina soo martay isla markaana markii uu furay Idaacadda Quraanka waxaan ka xasuusnahay kalmad dhaxal-gal ah oo uu yidhi “Waar wanaaga  Idaacaddii Quraanka idiin furnay ee dhagaysta oo ka baxa waxa aan dani idiinku jirin sida Balotiiga iyo Xanta”.

Madaxweynaha waxaan leeyahay naftaada iyo midayadaba u danee oo Shareecada hir-geli, aad noqotid mid caadil ah oo kaw ka noqda toddobada Ilaahay u hadhaynayo maalinta aan hadhkiisa mooyaane aanu hadh kale jirin ee dadku bacadka wada taagan yahay. Shareecada hir-gelinteeda oo ay kaw ka tahay fulinta Qisaasku oo aynu wada ognahay sida aynu maanta ugu baahanahay, Madaxweyne geesinimo ku dhimo oo shareecada Islaamka inoo hir-geli aynu aakhiro iyo adduunba ku bad-baadnee, waxa aynu Xadiis ku haynaa in maalin keliya oo Shareecada dhulka guudkiisa laga oogaa ay ka barako baddan tahay 40 cisho oo uu umadda roob u da’o.

Sheekh Maxamuud Cabdiraxmaan Jaamac