Farriin Barkulannada Bulshada Lagu Baahiyo Ayaa Dunida Wax Ka Beddeli Karta. Qisadan Ayaa Tusaale Ah (1)

0
714

Washington (Geeska)- Dad badan ayaa dhayalsada saamaynta ay yeelan karaan farriimaha lagu baahiyo barkulannada bulshada ee internet ka, laakiin waxaa laga yaabaa in uu fikirkoodaasi is beddelo haddii ay dhugtaan qisaska laga sheego saamynta ay farriimo lagu baahiyey barkulannada bulshadu ku yeesheen dunida, ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba leh.

Maqaaxida caalamiga ah ee MacDonalds ayaa barta ay ku leedahay shabakadda Twitter ka waxa ay ku faafisay farriin ay ku sheegayso in Beergarrada (Burger) ay samayso nooc ka mid ah oo lagu magacaabo ‘Quarter Pounder’, “Illaa badhtamaha sannadka 2018-ka, laga samayn doonaa hilib lo’aad oo daray ah” In kasta oo ay shirkaddani arrintan xayeysiis uga jeedday, waxaa ku soo baxay jawaab aanay filayn oo weliba ka timid hudheelka kale ee uu tartanku ka dhexeeyo ee WENDYS oo isagana xaruntiisu tahay dalka Maraykanka laakiin laamo ku leh meelo badan oo dunida ka mid ah. WENDY’S oo caan ku ah in uu boggiisa twitter kaftan iyo ilaaq ku haasaawiyo macaamiishiisa, ayaa McDonalds ugu jawaabay, “Markaa macnuhu waxa weeye in hilib aan daray ahayn ay u isticmaali doonaan inta badan ee beergarradooda kale, hudheelladooda oo dhan”

WENDYS in kasta oo ay McDonalds ku jiqsiisay, laakiin iyaduna kama ay faa’idin farriintan oo waxaa meel dhow kaga soo baxay wiil dhalinyaro ah oo u heellan in uu cuntadooda bilaash ku cuno, “Imisa jeer marka aan dib u soo celiyo farriintiinan ‘Retweet’ ayaa aan muddo sannad ah bilaa lacag ku cunayaa digaagga aad samaysaan nooca wasladaha ah” ayaa uu wiilkan oo la yidhaahdo Carter Wilkerson u soo qoray hudheelkan isaga oo ugu duur-xulaya in sababta ay farriinta u soo dhigeenba tahay in dadku ay marar badan soo celceliyaan.

Hudheelka WENDYS su’aashan waa uu ka baxsaday oo waxa uu wiilkan u soo qoray, farriin jawaab ah oo uu doonayo in uu ku gudhiyo damaciisa, waxa aanu si xaqiraad ah ugu soo qoray, “18 Milyan oo jeer marka aad ku celiso”

Wiilkani kuma uu joogsan carinta hudheelka ee waxa uu bilaabay dagaal dheer oo uu ku suurtogelinayo in uu gaadho 18-ka milyan ee cod ee uu hudheelku soo dhigay isaga oo u haysta in aanu gaadhi karin. Hal Maalin oo keliya ayaa uu Carter ku kasbaday 1 Milyan oo jawaab celinood ‘Retweet’ waa uu sii waday illaa farriintii WENDYS ay ka mid noqotay farriinta labaad ee dadkii ugu badnaa abid ku faafiyaan bogga twitter ka, laakiin weli ma’ uu ka hadhin ee waa uu sii waday, waxa aanu gaadhay 3.2 Milyan oo jeer in lagu celiyey ‘Retweet’

Haddii uu Carter arrintan ku doonayey digaag bilaa lacag ah oo uu hal sano cuno, arrintii waa ay ka sii weynaatay oo shirkado waaweyn ayaa bogaggooda twitter ka dib ugu celiyey farriintiisa ‘Retweet’ si ay xayeysiis ahaan uga faa’idaystaan malaayiinta qof ee ku xidhan farriintan, waxaa shirkadahaas ka mid ah, Amazon, Microsoft, Twitter lafteeda iyo Google oo xitaa mar ereyga calaamadda u ah ee GOOGLE xarfaha uu ka kooban yahay u ekeysiisay hilib digaag.

Shirkaddii WENDEYS ee marka hore farriinta u soo dhigtay in ay wiilkan ku niyadjebiso ayaa mark ale ku soo noqotay farriintii oo ku dhawaaqday in haddii dadka dib ugu celinaya farriintaasi ‘Retweet’ ay farriinta gaadhsiiyaan in ay noqoto tii ugu shacbiyadda badnayd taariikhda Twitter in hudheelkoodu uu 100 kun oo doolar ugu deeqayo hay’adda Dave Thomas Foundation oo ka shaqaysa daryeelka agoonta iyo in ubadka aan cidda lahayn u raadiso cid korsata.

Arrintani xamaasaddii ayaa ay sii kordhisay oo farriintii Carter waxa ee hal-ku-dheggeedu ahaa “#NuggsforCarter” ayaa gaadhay 64 Milyan oo jeer in lagu celiyo. Halkaa kuma ay joogsan, ee shirkadda kale ee Oath ayaa ku dhawaaqday in ay iyaduna 100 kun oo kale ku bixin doonto tabaruca hay’addaas, haddii farriinta Carter ay noqoto ta ugu shacbiyadda badan ee abid twitter soo martay.

Marka aynu soo koobna farriinta lagu faafiyey barkulanka bulsho waxa ay sababtay in dad badani faa’iidaan, hudheelkii WENDYS magac iyo xayeysiis ayaa uu ka faa’iiday oo mar kasta shaashadaha ka warramaya farriintan xawliga ku faafaysa ayaa xusayey magaciisa. Hay’addaas samofalkuna waxa ay ka faa’iiday 200 oo kun oo doolar. Halka Carter oo ah wiilka bilaabay uu isku darsaday, casho bilaash ah iyo in uu noqdo shakhsi caan ah, oo warbaahintu waraysiyo iyo kulamo tiro badan la yeelato.