Farmaajo Oo Codad Aan La Filayn Loogu Doortay Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Xasan Sheekh Oo Wareegii 3aad Is Dhiibay & Qaabkii Loo Kala Adkaaday

0
693

Muqdisho(Geeska)-Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu ka adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

1

Wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku guuleystay.

Farmaajo ayaa helay codadka 184 xildhibaan, Xasan Sheekh ayaa helay 97 cod, halka Shariif Sheekh Axmed uu ka helay 46 cod.

Waxaa loo gudbi lahaa wareegga saddexaad maadaama midna aanu wareegga labaad ku helin 219 cod. Hase yeeshee Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tanaasulay in uu wareegga saddexaad la tartamo.

Madaxwayne Xasan oo khudbad u jeediyay xildhibaanada ayaa ku baaqay in la lala shaqeeyo madaxwaynaha cusub.

Xasan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii dimuqraadiyadda uuna u hambalyaynayo madaxwaynaha cusub. Madaxweyne Farmaajo ayaa isla goobtaasi lagu dhaariyay.

Khudbad uu u jeediyay xildhibaanada ayuu ugu mahadceliyay Xasan Sheekh Maxamuud sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay, waxaa kale oo uu ammaanay

Sheekh Shariif .

Xildhibaanno 328 ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ka qaybqaatay codaynta doorashada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in hal xildhibaan oo xanuusanayay oo kali ah uu ka maqnaa.

Wareegga koobaad ee doorashada waxaa ka qayb qaatay 21 murashax. Wareegga labaad waxaa isugu hadhay ragga kala ah:

Xasan Sheekh Maxamuud – 88 cod

Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" – 72 cod

Shariif Sheekh Axmed – 49 cod

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke – 37 cod helay ayaase iskii uga hadhay wareegga labaad. Farmaajo ayaa si layaab leh codad badan u helay wareeggii labaad, taas  ayaa xaqiijisay in Farmaajo iyo Xasan ay u gudbaan wareeg saddexaad. Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go'aansaday in ninkii roonaaday wareegga labaad uu reerka u hadho.

Dabaal-degyo iyo rasaas ay ridayeen ciidamada Somaliya gaar ahaan kuwa milatariga ayaa xalay ka istaadhmay magaalada Muqdisho, iyagoo taageersan madaxweynaha cusub.

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa inkastoo la aaminsanaa inuu tartan adag geli doono, haddana kama uu mid ahayn ragga loo saadaalinayay inay ka adkaan doonaan Xasan Sheekh oo uu weliba noqon doono madaxweyne.

Mr. Farmaajo oo 8 bilood Sheekh Shariif u noqday Raysalwasaare, ayaa sumcad wanaagsan ka helay bulshada Somaliya, waxaanu wax ku bartay dalka Maraykanka oo uu degenaa ilaa sannadkii 1985 ka dib markii ay waxbarasho jaamacaded u dirtay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Somaliya, waxaanu culuunta siyaasadda ka bartay jaamacadda Buffalo ee dalka Maraykanka.

Mr. Farmaajo oo dhashay sannadkii 1963, waana 54 jir, waxaanu haystaa dhalashada dalka Maraykanka oo uu wax ku bartay.