Farmaajo Oo Addis Ababa Ku Tagaya Socdaalkii U Horeeyay Iyo Su’aalaha La Is Weydiinayo

0
717

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda socdaalkiisii u horeeyay ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Mr. Farmaajo uu Addis Ababa ku tagayo martiqaad ay xukuumadda Itoobiya u fidisay markii la doortay, waxaanu socdaalkani imanayaa iyadoo uu markii uu doorashada u ordayay ku ololeeyayay inuu dalalka Jaarka la ah Somaliya oo ay Addis Ababa ugu horayso ka xakamayn doono siyaasadda Somaliya.

Hore ayuu sidoo kale u tagay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, isagoo kaga qayb galay shirkii IGAD.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada Itoobiya ee AMISOM qaybta ka ahi ka baxeen meelo ka mid ah Somaliya oo ay hore u joogeen.

Dadka siyaasadda iyo xidhiidhka caalamka falanqeeya ayaa aaminsan in hadaladii uu Madaxweyne Farmaajo hore u jeediyay ku noqon karaan cadow siyaasadeed, kuwaas oo wiiqi kara xidhiidhka uu la leeyahay dalalka Somaliya la jaarka ah oo kaalin muhiim ah kaga jira ilaalinta ammaanka dawladiisa iyagoo huwan Magaca AMISOM, maadaama ay Somaliya tahay dawlad tamar daran.

Socdaalkiisa waxa ku wehelin doona wasiirkiisa arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo markii uu ahaa madaxa BBC-Somali lagu eedayn jiray inuu kool-koolin jiray kooxdii Maxaakiimta ee uu madaxda u ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay Yuusuf Garaad isku beel yihiin.

Si kastaba ha ahaate, socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa diirada lagu wada hayaa, waxaana la eegayaa waxyaabaha ka soo baxa kulamada uu la yeelan doono madaxda Itoobiya.