Fariidnimada Iyo Indheeragaradnimo Waxa Ay Ka Mid Yihiin Sababaha Ay Gabadhu U Guur Beesho

0
1391

London (Geeska)- Daraasad dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in mar kasta oo uu bato garaadka iyo waxbarashada gabadhu in ay hoos u dhacdo fursadaha ay u haysato in ay guur hesho. Daraasad lagu sameeyey natiijooyinka 6 daraasadood oo hore loogu baadhay sida ay raggu u qiimeeyaan gabadha ay doonayaan in ay nolosha qoysnimo la wadaagaan iyo waxyaabaha ragga ku dhiirrigeliya guurka gabadha. Waxa aanay natiijada soo baxday noqotay in fariidnimada iyo maskax badnaanta gabadhu ay ka mid tahay sababaha muhiimka ah ee ninku uga durko guurka gabadha.

Natiijada daraasaddan oo ay faafisay majaladda Jolie ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa muujisay in ninku uu dabeecad ahaanba aaminsan yahay in gabadha maskaxda badani ay ka jinniyado yar tahay dumarka dhigeeda ah ee ay ka fariidsan tahay.

Daraasadda oo sii baadhay waxa sabab u noqon kara in raggu ay fikirkan aaminaan ayaa sheegtay in ay xidhiidh la’ leedahay dabeecadda kelitalisnimo ee ragga ku abuuran. Ninku mar kasta oo uu guur ka fikirayo waxa ugu badan ee uu ka warwaraa waa in aanay talada iyo awooddu gacantiisa ka bixin, taas ayaana keenta in marka uu arko gabadh fariidnimo badan ama waxbarashadeedu heersarrayso in uu ka baqo in ay ka faramaroojiso awoodihiisa, hantidiisa ama hoggaamintiisa. Intaas oo keliya ma’aha ee sida ay cilmibaadhayaashu sheegeen, ninku waxa uu si aanu dareensanayn, isla markaana iska xakamayn karayn u aaminsan yahay in gabadha fariidda ah ee aqoonta lihi ay wax u dhimayso sarraynta uu qoyska ku leeyahay iyo ragannimadiisa bulshada dhexdeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here