Farasku Waxa Uu Leeyahay Dareen Uu Indhaha Qofka Ka Akhristan Karo Shucuurta U Qarsoon Sida Farxad Iyo Cadho

22
3252

London (Geeska) Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in farduhu ay leeyihiin awood Awood abuur ah oo ay wejiga qofka ka garan karaan dareenkiisa, isla markaana ay baran karaan si fiicanna u xasuusan karaan dabeecadda qofku nooca ay tahay. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Portsmouth oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa ogaaday in xayawaanku uu si aad u togan ula macaamilo dadka ay hore u arkeen iyaga oo dhoolla caddaynaya ama farxadi ka muuqato. Waxa aanay ka feejignaadaan dadka ay wejiyadooda uga arkeen cadho ama xidhxidhnaan.

Cilmibaadhis ay xeeldheereyaashu arrintan ku sameeyeen ayaa muujinaysa in farduhu ay awood u leeyihiin in dareenka qofka ay ka akhristaan wejigiisa. Imikana waxa ay intaas ku darayaan in xayawaanku garashadii dabeecadda qofka ku darsadeen in ay maskaxdoodu awooddo in ay keydiso, kaddibna wixii dambe ay qofkan kula macaamisho dareenkaas ay maalinta hore ka baratay.

Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyey Joornaalka Current Biology ayaa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in ay caawin karto isu soo dhowaanshiyaha fardaha iyo dadka dhaqda ama daryeelkooda ka shaqeeya. Cilmibaadhis kale oo sannadkii hore la sameeyeyna waxa ay tilmaamtay in farduhu ay awood u leeyihiin in xarakaadka iyo ishaarooyinka wejiga iyo xubnaha kale ee qofku bixinayaan ay ka fahmaan ujeedadiisa iyo waxa uu ula socdo colaad iyo nabad. Awooddaas uu Alle ku beeray oo shaqaysa xitaa haddii qofka uu farasku qiimaynayaa uu yahay qof markaasi ugu horreyso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here